Magacyada Laba Marxuum Oo Ku Geeriyooday Soo Dhawayntii Cirro

0
607

Picture1Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Burco ku geeriyooday laba muwaadin oo ka mid ahaa taageerayaasha xisbiga Waddani oo soo dhawaynayay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo magaalada Burco safar ku tagay/

Labada marxuum ayaa kala ah Jaamac Xuseen Ceerigaabo iyo Marxuum Yuusuf Maxamed Diiriye. “Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe  iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacsi u dirayaan xaasaskii, caruurtii, eheledii, qaraabadii ay ka baxeen labada marxuun.” Sidaas waxa lagu yidhi qoraal tacsi ah oo uu xisbiga Waddani soo saaray.

Waxa kale oo shilkaas ku dhaawacmay dhawr ruux oo lagu dawaynayo cisbitaalka Burco isagoo guddoomiye Cirro booqday dadkaas dhaawaca ah.