Qabiil Aaminsan In Kalluun Nool Oo La Liqaa Ay Dawo Ka Tahay Xiiqda Iyo Xanuunnada Dhinaca Neefsiga Ah

0
849

Picture1Delhi (Geeska)- Kummannaan ruux oo Hindi ah ayaa sannad kasta bishiisa Lixaad waxa ay safaf dhaadheer u galaan dawo dhaqameed muddo Qarni i badh ah ka jirtay dalka Hindiya oo ay aaminsan yihiin in ay kaga bogsan doonaan xiiqda iyo sanka oo xidhma. Bukaan xiiq ka cabanaya oo daafaha dalka Hindiya oo dhan isaga yimi ayaa sannad kasta bishan oo kale yimaadda magaalada Xaydarabaad si ay u soo liqaan kalluun nool oo dusha sare lagaga dahaadhay dhir ridqan oo la isku daray, illaa haddana aanay jirin cid garan karta dhirtaasi kuwa ay yihiin iyo halka laga keeno midna.

Warbixintan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in dhaqankan asalkiisa ay iska leeyihiin qabiil caan ka ah dalka Hindiya oo la yidhaahdo Bathini Goud, waxa aanay aaminsan yihiin in dawo-dhaqameedkani ay tahay mid ay ka soo gaadheen awoow-ka-awoow iyo in asalkeeda hore ay sannadkii 1845kii awoowyadeen dawadan ka barteen weli diinta Hinduism ka aaminsanaa, waxa aanay weligoodba ku adkaystaan in aanay sirta dawadan xiiqda u sheegayn cid kale, waayo waxa ay aaminsan yihiin in ay tahay dawo dhaqameed u gaar ah xubnaha qoyskan oo keliya.

Dhir aan la garanayn oo inta la tumay la isku walaaqay, midabkeeduna huruud yahay ayaa inta la qooyo lagu dahaadhayaa oogada kalluunka aadka u yaryar ee afka qalaad lagu yidhaahdo Sardine, oo ah kalluun xabbaddiisu aanay ka dheerayn 5 Sentimitir, kadibna waxaa afka loo gelinayaa qofka buka oo laga rabo in aanu calaashan ee uu si toos ah dhuunta ugu sii daayo, si uu isaga oo nool u liqo. In kasta oo liqista hore uu kalluunkan oo ka yara weyn inta caadi ahaan dhuunta qofka martaa uu keeno xanuun iyo dhibaato, haddana taasi muddo dheer siima socoto, waxa aanay dadkani aaminsan yihiin in uu yahay dawo barakaysan oo tayo iyo faa’ido badan. Qofka doonaya in uu qaabkan isu daweeyana waxaa la gudboon in uu saddex sano oo isku xiga sannad kasta bishiisa lixaad uu liqaa xabbaddan kalluunka ah ee dhirta lagu dhoobay. Waxa ay dadkani aaminsan yihiin in xabaddan kalluunka ah ee uu qofku liqay ay nadiifinayso dhuunta iyo marinnada hawada isla markaana waxoogaa kala ballaadhinayso si aanay neeftu cidhiidhi u dareemin marka ay marayso

Dhaqankan 150ka sano dalkaas ka jiray ayaa odayaashu ay kula dardaarmaan ubadkooda, dad badan oo aan iyag dawo u aaminsanayn ayaa sannad kasta yimaadda  barxadda ay munaasabaddan dhaqanka ah ee dadka xiiqda qaba lagu daweynayo, taas oo ah u daawadaan qaab dalxiis sawirro badanna ka qaataan.