Imaaraadka Oo Gegooyinkiisa Diyaaradaha Ku Diyaariyey Goobo Ay Seexan Karaan Dadka Duulimaadyada Sugayaa

0
643

Dubai (Geeska)- Gegeda diyaaradaha ee Dubai ayaa dhowaan lagu diyaariyey barxad weyn oo loogu talagalay in dadka safraya ee duulimaadyada sugayaa ay yara seexan karaan saacadaha ay joogaan. Goobtan oo lagu diyaariyey taandhooyin casriya oo hal qof le’eg, dhinacana isku wada haya ayaa loo bixiyey, “Sleep and fly’ oo ah kelmada Inigiriisiya oo macnaheedu noqonayo, ‘hurdo iyo duulimaad’

Sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya taandhooyinkani waxa ay u diyaarsan yihiin qaab qofka degaa uu raaxo badan iyo nasasho dareemayo, waxa aanay isugu jiraan kuwo qofka oo keliyi degi karo iyo kuwo qoyska iyo carruurta loogu talaya.

In kasta oo uu garoonka diyaaradaha ee Dubai leeyahay qayb hudheello nooca dabaqadda sare ah oo qofka u baahani degi karo, haddana waxa ay masuuliyiinta madaarku sheegeen in mashruuca ‘Sleep and Fly’ loogu talagalay dadka aan diyaarka u ahayn in ay hudheelladaas degaan oo inta badan lagu arko iyaga oo kuraastooda ku dul gam’ay ama meelo aan habboonayn indhaha ku casaysanaya xilliga ay diyaaradda sugayaan.

Inta badan safarrada diyaaradaha ayaa ay dadka musaafiriintu daal iyo hurdo la’aan kala kulmaan, gaar ahaan marka ay diyaaraddu kula hakanayso garoomo ay saacado fadhiyeyso ama ay laba diyaaradood ku kala wareegayaan ee ay ku qasbanaanayaan in ay labada duulimaad dhexdooda madaarka gudihiisa saacado badan joogaan.