Soonka Iyo Sixada (16): Faa’idooyinka Khudraddu U Leedahay Caafimaadka Wadnaha Iyo Sambabada

0
808

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa ay iftiiminaysaa faa’idooyinka caafimaad ee uu jidhka u leeyahay baamiyaha oo ka mid ah khudradaha dhulka Soomaalida laga helo, laakiin aanay dadku inta badan dareemin waxtarkiisan caafimaad:

Macaanka: Nafaqooyinka iyo maaddooyinka baamiyaha ku jiraa waxa ay la dagaalamaan macaanka, waxa aanay nidaamiyaan xaddiga sonkorta dhiigga, halka mihdihiisuna ka yareeyaan macaankaas.

Daalka Nafsiga ah iyo wahsiga: Baamiyaha waxaa ku jira laba nooc oo ka mid ah maaddooyinka mariidka/suntan dila korna u qaada xaddiga maadadda Glycogen ee beerka. Maadadda Glycogen waa shidaalka jidhka u ogolaada in uu shaqeeyo, sidaa awgeedna waxa ay dishaa daalka iyo caajiska ama wahsiga, waxa aanay jidhka gelisaa firfircooni.

Kalastaroolka xun: Baamiyuhu waxa uu yareeyaa xaddiga Kalastaroolka xun ee jidhka ku urura.

Amateedka: Baamiyaha waxaa ku jira gan/gas sababa in qofka in yar oo ka mid ah cuna ay hoos u dhacdo doonistiisa cuntadu, sidaa awgeed waxa uu ka qayb qaataa in qofku cunto yar cuno, taasina keento miisaanka oo yaraada.

Caafimaadka beerka: Baamiyuhu waxa uu xakameeyaa faafitaanka cudurka beer-subagowga, waxa aanu ilaaliyaa caafimaadka beerka maadaama oo ay ku jiraan isku dhisyada lagu magacaabo Flavonoids oo nidaamiya Gulukoosta, isla markaana guba dufanka beerka.

Kalshiyaamta: Jidhka bani’aadamku waxa uu maalintii u baahan yahay 51 Miligiraam si caafimaadka lafuhu u fiicnaadaan, wareegga dhiigguna u nidaamsamo, Kalastaroolka dhiiggu u yaraado, caafimaadka wadnuhuna u fiicnaado, waxaa mucjiso ah in xaddigaas 51 Miligaraamka Kalshiyaamta ah ee qofku u baahan yahay uu ka heli karo hal mar oo uu cuno cunto baamiye lagu sameeyey.

Aragga: Baamiyaha waxaa ku jira Beta-Carotene iyo Faytamiin A oo ah laba curiye oo la xaqiijiyey in ay muhiim u yihiin wanaajinta aragga iyo ilaalintiisa.

Xaaladaha nafsiga ah: Baamiyaha midhiisu waxaa ku jira maaddooyin si weyn qofka uga yareeya sakatiga, qulubka iyo culayska nafsiyadeed. Xaaladahaas oo la og yahay in ay kam id yihiin sababaha ugu badan ee buurnimada iyo macaanka keena.

Kansarka: Barootiinta ‘Lectin’ oo ku jira baamiyaha ayaa la xaqiijiyey in uu ka hortag fiican u yahay kansarka noociisa ku dhaca naasaha, sida oo kalana waxa uu barootiinkani jidhka ka caawiyaa in uu ka takhaluso boqolkiiba 72 unugyada kanarka ee jidhka ku dhasha ah.

Habdhiska difaaca: Baamiyuhu waxa uu kaalin mug leh ka qaataa xoojinta habdhiska difaaca ee jidhka, sida oo kalana waxa uu hodan ku yahay Faytamiinnada A iyo C oo jidhka muhiim u ah.