Mushaharka Iyo Xaaladda Nafsideed Ee Nin Shaqadiisu Ay Tahay In Uu Daawado Muuqaallada Kufsiga, Dilka Iyo Gawraca Ah Ee Facebook La Soo Dhigo

0
636

Washington (Geeska)- Waxaa laga yaabaa in aanay weligeed maskaxdaada ku soo dhicin in qof mihnaddiisa uu u shaqo tagaa ay tahay in uu daawado muuqaallada Fiidyowga ah muujinaya dilka, gawraca, kufsiga iyo xadugudbyada dhinaca jinsiga ah ee lagula kacayo carruurta.

Shabakadda Al-Carabiya ayaa dhowaan baahisay warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo ay kaga warramayso dadka shaqadoodu tahay taas aynu xusnay. Tusaale ahaan in ayaa Sagaalka subaxnimo ee maalin kasta xafiiskiisa yimaadda, kombiyuutar u gaar ah ayaa uu furaa, wax hawl ah oo u taalla oo uu qabtaana ma jirto, marka laga reebo in uu daawada muuqaallada dilka iyo gawraca iyo falalka kale ee aynu soo xusnay ah ee lagu baahiyo Facebook.

Mid ka mid ah ragga shaqadoodu tahay ilaalinta waxyaabaha dhaqan ahaan ama sharci ahaan qaladka ah ee Facebook lagu faafiyo ayaa mar uu dhowaan u warramay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu ka sheekeeyey dhibaatooyinka nafsiga ah ee dadkani la kulmaan. Ninkan oo wargeyska ka codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa ku celceliyey in shaqadani aanay wax lagu farxo lahayn, isla markaana qofka ku yeelanayso raad fool xun oo maskaxeed ama mid nafsiyadeed, iyada oo weliba lacagta uu qaadanayaa aad u yar tahay. Ninkani waxa uu sheegay in mushaharkiisu uu yahay 15 Doolar saacaddii, shaqadiisuna tahay in uu akhriyo cabashada ay dadka isticmaala facebook ka soo gudbiyaan filimada iyo sawirrada lagu baahiyey shabakadda Facebook ee dadka qaar dhibsadaan sababo dhaqan, diineed ama sharci awgeed ah, marka uu cabashada eego, haddana laga rabo in uu daawado sawirkaas ama fiidyowga laga cabanayo, markaas kadibna uu ka saaro shabakadda, haddii uu arko in uu leeyahay ceebaha lagu sheegay oo uu burinayo halbeeggii ay shabakaddu u dhigtay waxyaabaha lagu baahinayo.

Ninkan oo ka warramaya raadadka nafsadeed ee lagu arko dadka shaqadiisan qabta ayaa yidhi, “Qaar naga mid ahi maba seexan karaan habeenkii oo sas ayaa hurdadii ka kicinaya. Sababtuna waa filimada arxan darrada ah iyo foolxumadda ay daawadeen maalinnimadii” Isaga oo filimadaas sii faahfaahinayana waxa uu intaas ku daray, “Waxaa ka mid ah muuqaallo carruur yaryar la kufsanayo”

Shirkadda Facebook ayaa aad sir uga dhigta nidaamka tababar iyo daryeelka nafsiyadeed ee ay siido dadka uga shaqeeya shaqadan dhibta badan. Laakiin afhayeen u hadashay shirkadda ayaa tidhi, “Waxa aanu dareensannay in shaqadani ay inta badan dhib badan tahay, sidaa awgeed ayaana qof kasta oo shaqaalahan ka mid ah oo daawada muuqaalladan loo siiyaa taageero nafsiyadeed. Waxa aanu la shaqaynaa culimo ku xeeldheer cilminafsiga, waxaana noo dejisan barnaamij dhamaystiran oo arrintaas la xidhiidha, sida talosiin iyo tababar”