Ilmahaaga Oo Marka Uu Sii Seexanayo Aad U Akhrido Buug Wawxa Ay Kordhisaa Cilmigiisa

0
625

London (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in ilmaha yar oo marka uu habeenkii sii seexanayo buug lala akhriyoa ama lagu dul akhriyo, xitaa haddii uu weli naasnuug yahay ay ka caawinayso in uu si dhaqso ah wax u baran karo, waayo ubadka badankooda maskaxdoodu waxa ay ugu fiican tahay oo macluumaadka loo sheego ay si dhaqso ah oo fudud u absan kartaa marka uu furaashka/sariirta jiifsado laakiin aanu weli seexan. Waalidka oo ilmihiisa waqtigaas buug u akhriyaa waxa ay ilmaha yar ka caawisaa in uu xog badan xafido iyo in maskaxdiisa guud ahaan iyo xusuustiisu gaar ahaan ay horumarto. Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay ku doodayaan in natiijadan ay gaadheen ay meesha ka saarayso aaminsanaantii hore ee ahayd in waxbarashada iyo fahamka ilmuhu uu fiican yahay marka ilmuhu uu si dhamaystiran u soo jeedo una baraarugsan tahay maskaxdiisu.

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in ilmaha oo maalintii la seexo waqti ka badan 30 daqiiqo  ay maskaxdiisa u diyaariso in ay fahmi karto macluumaad iyo xirfado faa’ido badan, halka hurdada ka yar 30 daqiiqo ay ilmaha dhashay ku adag tahay in uu helo nasashadii uu u baahnaa iyo in maskaxdiisu mustaqbalka dambe noqoto mid fahamkeedu fiican yahay.