Inanka Waxay La Tahay In Uu Inanta Ka Fiican Yahay, Inantuna Waxay Aaminsan Tahay In Ay Ka Qurux Badan Tahay

0
735

Hargeysa (Geeska)- Qormadan maanta waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa arrimo door ah oo ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in ay ku kala duwan yihiin innamada iyo habluhu. Qodobbadan oo ka soo baxay daraasado ay xeeldheerayaashu si gaar ah ugu sameeyeen kala duwanaanshiyaha dhinaca shaqada maskada ee wiilasha iyo hablaha waxa uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Ad-Dastuur, waxa aanay ahaayeen sidan:

1. Maskaxda qaybteeda qaabilsan hadalka waxa ku fiican hablaha marka la barbar dhigo innamada, taas macnaheedu waxa uu yahay in habluhu ay innamada ka hor bilaabaan hadalka, waana ta keenta caadada ah in habluhu ay mar walba jeclaadaan hadalka halka innamaduna ay u badan yihiin dhanka aamuska.

2. Maskaxda qaybteeda qaabilsan wax dhiska iyo wax hiigsiga waxa in badan hablaha kaga wanaagsan innamada, taas awgeed ayaanay innamadu mar walba ugu guulaystaan shaqooyinka dhismaha iyo Injinneernimada. Sida ay khubaradu sheegeen wanaagga innamada cidda ugu badan ee ka faa’daysataana waa hablaha waayo, maskax kasta oo uu inanku leeyahay waa uu shaqaynayaa dhisayaa cidda ugu dambaysa ee dhismihiisaa iyo Shaqadiisaa ku faa’daysataana waa dumarka.

3. Innamadu waa ay ka dhaqdhaqaaq badan yihiin hablaha, tusaale ahaan inanku waxa uu bilaabaa socodka iyo orodka qiyaas ah saddex bilood ka hor hablaha, arrintan laftigeedu waxa ay dan u tahay hablah oo nasiib u hela in waqti dheeraad ah ay u helaan koolkoolin iyo xanaanaynta waalidka waa inta ay yaryihiin ee, maadaama oo ay wiilashii kaga sii dambaynayaa gosha hooyada.

4. Fikirka xeesha dheer iyo awoodista in dhacdooyinka la isla doonto, la iskuna xidho hablaha ayaa innamada kaga horreeya, sabataa awgeed ayaa ay caadi tahay in aad aragto inan iyada oo aad u yar marka ay ciyaarayso iska dhigaysa hooyo. Arrintan waxa kale oo ay khubaradu kala baxeen sida habluhu ay uga fikirayaan mustaqbalkooda fog iyo marka ay hooyo noqdaan sida ay u dhaqmi doonaan. Halka innamadu kaga mashquulaan ciyaaraha maalinlaha ah sida, Kubadda Cagta iwm.

5. Waxa cilmibaadhistan lagu ogaaday in habluhu ay innamada kaga duwan yihiin dhinaca maqalka, oo ay maskaxdoodu leedahay awood dheeraad ah oo dhinaca maqalka ah.

6. Habluhu si ka badan innamada ayaa uu dareenkoodu islula bed-beddelaa  kolba mawqifka iyo waaqaca ay taagan yihiin. Halka innamadu inta badan ay u dhow yihiin in ay qariyaan ama mararka qaar ay diidaan ba in shucuurtoodu is beddeshay, tusaale ahaan haddii ilmo yar oo ambada oo ooyayaa u ku soo baxo innamo iyo hablo mar walba inanta ayaa u hor dabcaysa ilmahaas, maadaama oo aanay dumarku la awood ahayn ragga waxa ay awoodoooda ku kabaan ilmo (Oohin) badan oo ay ku kasbato caawin iyo door bidis dheeraada.

Ugu dambayntii xikmadda Alle ayaa ay tahay in wiilka iyo gabadha mid kastaa ku qanacsan yahay kuna raalli yahay jinsiga Alle ka dhigay, isaga oo ceeb iyo khajilaad u arkayaba noqoshada jinsiga kale, mid kastaana waxa uu isu arkaa in jinsigiisu ka fiican yahay kan kale, laakiin marka hoos loogu sii dhaadhaco waxa ay daraasaddani muujisay in habluhu ay aaminsan yihiin in ay wiilasha ka qurux badan yihiin, halka ay wiilashuna mar kasta ka aaminsan yihiin in ay ka fiican yihiin.

 

os ?  H}Rp q ?yeH}Rp mily:Calibri;mso-default-font-family:Calibri; mso-ascii-font-family:Calibri;mso-latin-font-family:Calibri;mso-greek-font-family: Calibri;mso-cyrillic-font-family:Calibri;mso-armenian-font-family:Calibri; mso-hebrew-font-family:Calibri;mso-arabic-font-family:Calibri;mso-thai-font-family: Calibri;mso-currency-font-family:Calibri;mso-latinext-font-family:Calibri; language:en-US;mso-ansi-language:en-US;mso-ligatures:none'>Hadalka Ban ayaa u muuqda mid dhexdhexaadnimada ka fog oo ay siyaasadi weheliso. Geesta kale waxaan iyana la dhayalsan Karin hadalkiisa oo uu ku daray in gobalada galbeed ee Somaliland nabdoonyihiin balse ay gobalada bari dagaalo goos-goos ahi ka dhacaan, taas oo aanay waxba ka jirin.

 

Qodobadan oo dhan ayaa u muuqda dabino ay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska danjire Nicholas Kay ee UNSOM uu u maleegayo qaddiyadda Somaliland, waxase war-warkeeda leh sida aanay xukuumadda Somaliland, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shacbiguba xog badan uga hayn dabinada loo qoolayo qadiyadooda.

Xukuumadda Somaliland ayaa inta badan hadalada ka dhanka ah Somaliland ee ka soo yeedha qadiyada Somaliland kaga jawaabta hadal ay warbaahinta u mariso oo uu nuxurkiisu yahay inaanu hadalkaasi khusayn Somaliland islamarkaana ay kala duwanyihiin Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshe waxa xukuumadda looga baahanyahay ficilo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed inay kaga jawaabto dhawaaqyadaas. Haddiise ay jawaabtoodu ku koobnaato hadal keliya waxa ay cid kasta oo Somalialnd dagaal ku haysaa si qarsoodi ah u sii wadi doontaa qorsheyaasheeda.

Gunaanadkii, xukuumad iyo shacbi ahaanba Somaliland waxa la gudboon in ay ku baraarugsanaato wax kasta oo qaddiyadeeda saamayn ku yeelan kara islamarkaana arrimahan halkooda lagu mooso oo laga hortago.

 

004#12?oMp ment:0000008034 SourceURL:http://geeska.net/wp-admin/post-new.php

Hargeysa (Geeska)- Janaraal Muhaab Mimiish oo madax ka ah haayadda  mamausha Marin biyoodka Suweys  ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in Masar aanay marnaba aqbali doonin in uu xidhmo Marin Biyoodka Baab Al-Mandab ee dalka Yemen, haddii la isku dayana ay milateri ahaa u soo farogelin doonto.

Janaraalka oo shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta caalamiga ah ayaa arbacadii 4ta Feebarweri sheegay in ay dalka Masar u diyaarsan yihiin ciidamo heegan ugu jira in ay dhaqso uga jawaabaan haddii kooxaha uu ugu yeedhay xag-jirku ay isku dayaan in ay marinkan xidhaan, waxa aanu ku dooday in isku day kasta oo noocaas ahi uu taabanayo amniga qaranka ee dalka Masar, si toos ahna saamayn taban ugu yeelanayo Marin Biyoodka Suweys.

Janaraal Muhaab waxa uu sheegay in dalka Masar uu si dhow oo joogto ah ula socdo xaaladaha cakiran ee dalka Yemen, waxase uu xaqiijiyey in illaa hadda aanu dalkiisu arkayn wax khatar ku ah marinka Baab Al-Mandab oo ka imanaya dalka Yemen.

Kornayl Axmed Rajaani oo ah xeeldheere Milateri oo shabakadda Al-Carabiya ay arrintan ka waraysatay ayaa isaguna sheegay in haddii Marin Biyoodkani uu xidhmo la filayo in Masar ay u soo farogelin doonto si kasta oo u suurtogal ah si ay danaheeda iyo amnigeeda u ilaaliso, “Waxa ay qaadan kartaa dhowr tallaabo oo milateri oo ay arrintan ku soo afjarayso, waa suurtogal in ay kelideed ku dhaqaaqdo ama in ay abuurto isbahaysi caalamiya, waayo dunida oo dhami ma aqbali doonto in la taabta amniga Marin Biyoodka caalamiga ah”  ayaa uu khabiirkani yidhi, isaga oo intaas ku sii daray in ciidamada Masar ay leeyihiin awood ciidamada cirka ah oo ay ku duqeeyaan fadhiisinnada xag-jirayaasha ama cid kasta oo isku dayda in ay xidho marin biyoodka Bab Al-Mandeb, iyo in ay sidoo kale ku garaaci karto gantaalaha riddada dheer oo ay Masar haysato kuwo casri ah oo aad u awood badan.

Marin biyoodka Baab Al-Mandeb waxaa haddaba jooga ciidamo caalamiya oo isugu jira kuwo muddo dheer marinkan ku sugnaa oo ilaalinayey amnigiisa iyo kuwo ilaaliya budhcad badeedka, waayo waa marin caalamiya oo isku xidha dunida barigeeda iyo galbeedkeeda, haddiba ay dhacdo in uu xidhmana waxaa joogsanaya dhaq-dhaqaaqa badda ee caalamiga ah waxa aanu saamayn taban oo dhaqso ah ku yeelanayaa ganacsiga caalamiga ah, maadaama oo ay sannad kasta ka gudbaan in ka badan 21 kun oo markab oo shixnado ganacsi iyo shidaal sida, marinkan ayaa ah kan waraabiya marinka muhiimka ah ee Suweys oo isaga uu dalka Masar maamulo.

In kasta oo Somaliland aanay xad toos ah la lahayn marinkan haddana waxa ay ku taalla afka uu ka bilowdo marin biyoodku, waxaana si aad ah ugu dhow dekedda Saylac, iyada oo horena Soomaaliya loogu tirin jiray afarta dal ee kulaala marinka Baab Al-Mandab. Marar badan oo hore ayaa marinkan looga baqay ururka Al-Qaacida faraciisa dalka Yemen oo ku hanjabay in uu xidhi doono, sidoo kale waxaa looga baqaa budhcad badeedda Soomaalida oo marar door ah laga digay in ay khalkhal gelin karaan amniga marinkaas, haddase cabsida hore looga qabay Al-Qaacida waxaa sii xoojinaya awoodda ururkan ee sida xawliga ah ugu sii badanaya dalka Yemen oo ku jira marxalad amni darro iyo xasarado siyaasi ah, sidoo kale waxa aan laga cabsi la’ayn ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta oo muddooyinkan dambe ku sii awoodaysanaya dalka Yemen oo laga yaabay in ay dowlad iyagu ay hoggaaminayaan ka dhisaan, taas oo sii badin doonta xasaradda siyaasiga ah iyo amniga dalkaas oo la filayo in sunniga dalkaas ku tirada badani aanu aqbali doonin xukunka Shiicada, Isla markaana Al-Qaacida ay fursaddan ka faa’idasan doonto.

Dagaal ka dhaca marinka Baab Al-Mandab waxa uu saamayn dhaqaale iyo amni oo xoog badan ku yeelanayaa dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Jabuuti iyo dalalka dekeddiisa adeegsada, in kasta oo aanay Somaliland, ku jirin, kuwa sida tooska ah looga baqayo khasaaraha ka dhasha ee dhaqaalaha, maadaama oo Baab Al-Mandab aanu ahayn marinka dekedda Berbera. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in colaad marinkaas ka hurtaa aanay saamayn ku yeelan karin Somaliland oo aan masaafad ahaan ka fogeyn.

Waa run in Somaliland aanay dunida ka haysan aqoonsi ay arrintan xal u raadinteeda kaga qaybgasho, haddana waxaa u furan fursad diblumaasiyadeed oo ay quwadaha dunida ee arrintani saamaynayso ay ku tusi karto in ay awood u leedahay in ay kaalin ka qaadato difaacidda iyo sugidda amniga marinkan, sidii ay horeba kaalin ugu yeelatay barnaamijka la dagaallanka budhcad badeedda iyo waxa loogu yeedho argagaxisada. Waxa aanay awooddeeda marag uga dhigi karta sida ay badaheeda hore uga ilaalisay budhcad badeedda.