Ilmaha Ayeeyo Korisayga Ahi Waa Af-Miishaar Aan Waxbarashada Jeclayn, Laakiin Naftiisa Ku Kalsoon

0
1545

London (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in carruurta daryeelkooda iyo korintooda ay yeeshaan awoowga iyo ayeeyadu ay mar walba ka macaamil iyo dabeecad xun yihiin kuwa waalidkood la soo kora iyo xataa kuwa ku soo kora xarumaha daryeelka ubadka.

Cilmi-baadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen carruurta in badan ku ag noolaata ama ay soo koriyaan labada waalid (Hooyada iyo Aabaha) ama midkood in ay aad u bartaan luuqadda, isticmaalina og yihiin ereyo iyo kelmado badan oo xikmadi ku jirto laakiin carruurtan dhibtoodu waxay tahay in hab-macaamilka, bulsho dhex galka iyo dabeecaddu ay carruurtan ka xumaato dhib badanna kala kulmaan la qabsiga iyo dhex galka carruurta da'dooda ah. Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xiganayo wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, cilmi-baadhayaasha sameeyey daraasaddani waxa ay ka tirsan yihiin, Maxadka barbaarinta oo ka tirsan jaamacadda magaalada London, waxa aanay daraasaddan ku ogaadeen in carruurta ayeeyo korisayda ahi xataa aanay jeclayn waxbarashada iyo inay dugsiyada tagaan. Waxa aanay arrintan daraasaddu u sibir saartay soo dhoweynta iyo kalgacalka xad dhaafka ah ee uu qofka weyni u muujiyo ilmaha uu awoowga ama ayeeyada u yahay, taas ayaana ku beertay dabeecad uu nafsiyan la koro oo ah in uu qof kasta ka doonayo raalli gelin, kool-koolin iyo u madax buuxin, haddii uu ka waayana ula macaamilayo qaab cadaawadi ku jirto.

Marka dhinaca fiican laga eego daraasado hore loo sameeyey ayaa caddeeyey in ilmaha ay koriyaan awoowga iyo ayeeyadu had iyo goor ka farxad iyo niyad wanaag badan yihiin kuwa la soo kora waalidkood, waxaana intaas u dheer inay leeyihiin ku dhac iyo kalsooni ay wax iskaga difaacaan.