Habluhu Marka Aanay Wiilasha La Fasalka Ahayn Ayaa Ay Natiijada Imtixaankoodu Sarraysaa

0
1287

Hargeysa (Geeska)- Cilmi-baadhis ay samaysay jaamacadda Brown ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in dumarku ay imtixaannada darajooyin fiican keenaan marka ay fasalka hablaha keliya ku dhiganayaan, tijaabooyin ay cilmi-baadhayaashu arday kala duwan ku sameeyeen ayaa lagu ogaaday in hablaha imtixaanka ku gala fasal aanay innamo joogin ay ugu yaraan boqolkiiba 70 su’aalaha imtixaanka si sax ah uga jawaabeen. Halka hablaha imtixaanka lagaga qaaday fasallada ay wiilashu ku weheliyaan ay si sax ah uga jawaabeen boqolkiiba 58 keliya.

Cilmi baadhistan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay buugga Les hommes, les femmes, etc oo ay qortay Ellen Willer ayaa lagu sheegay in Michael Inzlicht oo hormuud u ahaa daraasaddani uu aaminsan yahay in sababta arrintan keentay ay tahay gabadha oo marka hore si nafsiya u aaminsan in ninku uu cilmiga kaga fiican yahay, gaar ahaan wixii xisaab iyo qaacidooyin la xidhiidha iyo in uu dhibco kuweeda ka sarreeya ka qaadanayo imtixaanka, sidaa awgeed marka ay inantu aragto wiilal imtixaanka kula jira waxa ay markaba nafsiyan u aaminaysaa in ay iyagu ka sarrayn doonaan imtixaanka, taasina waxa ay dhaawacaysaa fahamkii iyo kartidii ay maskaxdu ku rog-rogi lahayd jawaabaha saxda ah ee looga baahan yahay