Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Wakiilada Ingiriiska Oo Xasan Sheekha Somaliya Ku Eedeeyay Inuu Ku Fashilmay Inuu Somaliland Ku Qanciyo Midnimo Dambe

0
962

Picture8London(Geeska)-Xildhibaan Jonn Lun, oo ka tirsan aqalka golaha wakiilada ee Ingiriiska, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay inuu ku fashilmay sidii uu Somaliya uga saari lahaa dhibaatada ay dhex dabaalaynayso.Xildhibaan Jon, oo 27 June qoraal u gudbiyay guddiga golahooda u qaabilsan xidhiidhka caalamiga ah iyo Afrika, wuxuu sheeay in xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mr. John Kerry oo bishii hore la kulmay Xasan Sheekh, uu ka dalbaday inuu is casilo amaba uu horumar sameeyo. Wuxuu tilmaamay inay awoodii Xasan Sheekh dawladiisu sii daciifayso halka ay Al-Shabaab weeraro joogto ah ka sii wado.

Wuxuu xildhibaan Jon Lun, sheegay in inkastoo Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyihn muhiim ah, lana filayay inay dawladu horumar samayso, balse aanay taasi dhicin, “Waxa jira dareen isa soo taraya oo ah inaanay dawladda Xasan Sheekh u shaqaynayn inay si dardar leh bilowdo arrimaha Somaliya.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa, isagoo intaas raaciyay, “Waxa laga warwarsanyahay inuu Xasan Sheekh isku xeeray koox gaar ah oo aanay awoodu gacanta ugu jirin, laakiin ay ugu jirto qaar ka mdi ah wasiiradiisa. Kooxaysi iyo dagaal dhexdooda ah ayaa jira. Waxa jira warar aan la xaqiiqjin oo sheegaya in markii uu John Kerry Xasan Sheekh kula kulmay Addis Ababa uu uu u sheegay inuu horumar sameeyo ama uu is casilo.”

Wuxuu sheegay xildhibaankan Ingiriiska ah in dawladda Xasan Sheekh laga sugayay inay horumar samayso maadaama oo Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyin dhawr ah, “Laakiin xaaladu waxay isu bedeshay jihadii kale, weeraro si joogto ah loola begsanayo dhulka ay dawladu maamusho oo ay Muqdisho ka mid tahay, oo uu ammaanku sii xumaaday bilihii u dambeeyay.” Ayuu yidhi, waxaanu tusaale u soo qaatay weerarkii baabuurka loo adeegsaday ee ay Al-Shabaab la beegsatay Baarlamaanka xamar.”

Waxyaabaha uu xildhibaanku sheegay inuu Xasan Sheekh ku fashilmay waxa ka mid ah inuu Somaliland ku qanciyo inay mar kale Somaliya ka mid noqoto “Ma jiro horumar uu ka sameeyay inuu Somaliland ku soo celiyo midnimadii Somaliya.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyay inuu xumaaday xidhiidhkii ay Somaliya la lahayd maamul goboleedka Puntland, “Xidhiidhka Puntland iyo dawladda federaalkuna inta badan ma wanaagsanayn. Somaliland iyo Puntland midna kama uu qaybgelin shirkii Somaliya ee uu ingiriisku qabtay May 2013 oo loogu ururiyay lacag dhan $ 300m.”