Ilaysku Waxa Uu Leeyahay Awood Uu Maskaxda Dib Ugu Soo Celin Karo Xusuusaha Ka Lumay

0
645

Cilmibaadhis tijaabadeeda jiir lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in xusuusta qofka ka luntaa aanay maskaxda ka wada tirtirmin balse ay ku sii kaydsanaato gudaha unugyada maskaxda, laakiin dhibtu ay tahay maskaxda qofka ama xayawaanka kale oo kuul darraysanaysa in ay dib u soo celiso.

Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa awooday in iyaga oo adeegsanaya ilayska ay ku guulaystaan in ay dib u soo celiyaan xusuus muddo dheer ka hor uu qofku illaaway, awoodina kari waayey in uu dib u xasuusto. Natiijadan oo ah bishaaro kor u qaadaysa fahamka iyo daweynta bukaanka qaba illowshiyaha daran, ee weliba inta badan illowshiyaashi uu ku yimid nabar iyo jug qofka gaadhay ama xanuun ku dhacay. Tijaabooyin kala duwan oo ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa ay ku ogaadeen in ay suurtogal tahay in ilaysku uu maskaxda ka caawiyo in ay dib u soo ceshato xusuuso hore oo ay illowday.

Sababa uu qofku xusuusta u lumiyaa waa xaalado caafimaad oo kala duwan aadna u kala  khatar badan, waxa aana ka midah illowshiiyo maskaxda ku dhaca marka ay la kulanto shoog ama naxdin laba filaan ah, dhaawac culus oo jidhka soo gaadha, diiqad iyo culays nafsi ah oo qofku la kulmo ama xanuunka Alzheimer’s loo yaqaanno, xaaladahan oo maskaxda gaadhsiiya dhaawac , isla markaana burburiya unugyada maskaxda ee la xidhiidha shaqada dib u soo celinta xusuusta, waxaana afka cilmiga lagu yidhaahdaa Retrograde Amnesia.

Si kastaba ha ahaato, ee sida ku cad natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Daily Telegraph  ayaa caddaysay bishaaro ah in xanuunkan xusuusta luminaya ee Retrograde Amnesia uu keeno dhibaatada ah in aanu qofku dib u soo ceshan kari xusuusta, balse aanu xusuusta lafteedii maskaxda ka tirtirin. Ilayska qorraxduna uu qofka u leeyahay faa’idada ah in uu firfricooneeyo unugyada kaydinta xusuusta iyo sidoo kale kuwa maskaxda ka caawiya in ay dib u soo ceshato xusuusahaas hore.

Diyaariye: 

Kamaal Axmed Cali

Geeska Afrika