Kiniinnada Ka Hortagga Uurka Ee Casriga Ahi Waxa Ay Dhiigga Ku Badiyaan Xinjirowga

0
640

Picture10London (Geeska)- Isticmaalka kiniinnada casriga ah ee ka hortagga uurka loo cunaa waxa ay kor u qaadaan khatarta ah in dhiigga maraya halbawlayaashu uu xinjiro yeesho. Sidaa waxaa lagu caddeeyey daraasad lagu baahiyey majaladda BMG Today ee ka falloota arrimaha caafimaadka oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay.

Daraasaddan cusub oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal u dhashay dalka Ingiriiska ayaa caddaysay in dumarka isticmaala kiniinka uurka hor-istaaga ee ay ku jiraan maaddooyinka afka qalaad lagu yidhaahdo, Drospirenone, Desogestrel, Gestodene iyo maadadda Cyproterone waxa ay gabadha xinjirowga dhiigga oo ay ka dhalato khatarta ah in ay xidhmaan halbawlayaasha dhiiggu, taasina ay keenayso faalig ama wadne istaag ay afar laab uga dhowyihiin dumarka dhiggooda ah ee iyagu aan dawooyinkan adeegsan.

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaa dabayaaqadii sannadkii 2012ka iyo horraantii sannadka 2013kaba waxa ay caddeeyeen khatarta ay kiniinnada ka hortagga uurku u leeyihiin caafimaadka gabadha, waxaana ka mid ah in ay halis geliyaan caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Cilmibaadhayaasha daraasadda ku sameeyey khatarta caafimaad ee ka dhalan karta kiniinka uurka la iskaga ilaaliyo ayaa muddadii ay tijaabada cilmibaadhistan wadeen waxa ay isbarbar dhig ku sameeyeen xaaladaha caafimaad ee dumar da’doodu u dhaxayso 15 illaa 49 oo isugu jira kuwo isticmaala iyo kuwo aan isticmaalin kiniinnadan. Waxaana u soo baxday sida ay ugu kala nugul yihiin xaaladaha caafimaad ee aynu kor ku xusnay. Ugu dambayntiina xeeldheerayaasha oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalkaIngiriiska ayaa sheegay in khatarta dawooyinkani ka dhalata ee ah in dhiiggu xinjiroobaa ay toban laab sii korodho marka gabadha isticmaalaysaa ay uur leedahay, taas oo marar badan dhacda in gabadhu ay dawadan isticmaasho iyada oo aan weli ogaan in uurkeeda uu ilmo galay.