Qolka Hurdada Oo Sawirro Lagu Dhejiyaa Waxa Ay Halis Gelisaa Caafimaadka Nafsiga Ah Ee Qofka

0
574

Picture11Qaahira (Geeska)- Dr. Maxamed Nucmaan oo bare ka ah jaamacad ku taalla dalka Masar ayaa ka digay halis uu sheegay in ay ku jirto sawirrada dadka qaar ka soo lulaan gidaarrada qolalka ay seexdaan. Dr. Nucmaan waxa uu sheegay in sawirradan xusuusta ah ee gidaarrada lagu dhejistaa ay keenaan dhibaatooyin nafsi ah.

Digtoorku isaga oo arrintaas sii faahfaahinaya waxa uu yidhi, “Sida caadiga ah waxa aragtida qofka ugu dambeeya ee indhihiisu ku dhacaan inta aanu gam'in ay raad ku yeesha xusuustiisa oo inta badan maskaxdiisu marka ay firaaqo hesho dib u soo celisaa xusuusaha la xidhiidha. Sidaa awgeed marka aragtida qofka ee ugu dambaysa hurdada ka hor ay noqoto sawir waxa aad u suurogal ah in hurdada uu ku arko riyooyin baqdin leh iyo weliba fikir khayaali ah oo hurdada ka xumeeya”

Dr. Nucmaan waxa uu sheegay in qofka aragtidiisa ugu dambaysaa noqoto sawir ay keento in uu hurdada si kedis ah mararka qaarkood uga boodo, arrintaas oo haddii ay soo noqnoqoto khatar weyn ku keeni karta caafimaadka. Waxa uu digtoorklu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in qolka hurdadu noqdo mid xasiloon oo qofka dejinaya isla markaana aan lahayn ama aanu dhex oollin wax raad ah oo maskaxda ku soo celinaya xusuuso hore, gaar ahaan marka ay xusuustaasi tahay mid aan fiicnayn, sida sawirrada qofka dhintay. Ugu dambayntiina waxa Dr. Nucmaan sheegay in midabka laydhka, go'a uu qofku huwanayo iyo gogoshuba ay raad ku leeyihiin hurdada qofka.

Diyaariye: 

Kamaal Axmed Cali

Geeska Afrika