Ikhwaanka Masar Oo Diiday Distoorka Cusub

1
566

Picture3Ikhwaanul Muslimiinka Masar ayaa diiday dastuurka qabyada ah ee ay isku afgarteen guddiga dastuurka Masar. Dastuurka cusub ayaa la filayaa in loo codeeyo sanadka cusub.

Guddi 50 ruux ka kooban oo loo dhisay dastuurka ayaa u coodeeyay qodobbada uu ka koobnaan doono dastuurka .

Taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi ayaa markii ugu horreysay dibedbaxyo ku dhigay fagaaraha Taxriir, xilliga ay codeynayeen guddiga destuurka.

Dastuurka cusub ayaa awoodo dheeri ah siinaya militeriga, iyadoo uu u oggolaanayo in dadka rayyidka la horgeeyo maxkamad milteri.

Sidoo kale dastuurkan kuma cadda in doorashooyinka baarlamaanka ay ka horreyn doonaan kuwa madaxweynaha, taas oo caqabad ku noqon karto jadwalka ay dejisay dowladdu uu taageero militeriga. Go’aanka kama damaysta ayaa la sheegayaa inuu leeyahay madaxweynaha KMG, Cadli Mansuur .

Sida ku cad jadwalka militerigu dejiyeen kaddib markii ay xukunka ka tuureen Mursi, waxaa la doonayaa in doorashooyin la qabto lix bilood kaddib marka la ansixyo dastuurkan cusub ee Masar.

 

Comments are closed.