Hudheel Cunto Oo Markiiba Hal Qof U Adeegaya, Waxa Ay Ka Mid Tahay Dhaqannada Uu Coronavirus Soo Kordhiyey

0
838

Mid ka mid ah seeraha cagaaran ee Sweden waxaa laga furay hudheel cunto oo markiiba hal qof oo keliya u adeegaya. Waa dhul aad u ballaadan oo qurux badan, waxaana dhex yaalla miis iyo kursi keliya, sidaas awgeed hal qof ayaa markiiba wax ka iibsan kara. Waa hab la isku waafajinayo in macmiilku uu helo hawo furan iyo laydhsi indhuhu ku doogsadaan, iyo karantiin dadka ka fog oo uu qofku iskaga ilaalin karo ‘Coronavirus’ oo dhibaato aad u badan ku haya dunida oo dhan.

Hudheelkan cusub ee kursiga iyo miiska keliyi dhexyaallaan, kama shaqeeyo qof ah adeege cuntada iyo biyaha u geeya macmiilka, balse waxaa jira xadhig dheer oo isku xidha kijada cuntada lagu karinayo oo ah guri qoys oo goobta ku dhow iyo miiska, xadhigaas oo leh meel laga soo luli karo sallad cuntada iyo lagu qaado, oo macmiilku uu kala dego marka ay ku dhowaato.

Marka koowaad ee qofku hudheelka soo galo waxa ay salladani u keenaysaa biyo iyo liiska dalabaadka, marka xigana waxa ay siddaa cuntadii uu dalbada.

Hudheelkan waxaa wada furtay Rasmus Pearson iyo xaaskiisa Linda Carlson. Rasmus oo ka sheekaynaya sida ay ku heleen fikradda furitaanka hudheelkan ayaa sheegay in mar bishii Maarso ahayd oo ay booqasho ugu yimaaddeen Linda labadeeda waalid, ay ku soo dhacday fikirkan ah in si ay karantiinka u ilaaliyaan, la sameeyo hab ay labada waalid kelidood cuntadooda ku cuni karaan goobtan laydhka iyo quruxda dabiiciga ah leh ee guriga bannaankiisa ah. “Waxa aan is leeyahay waxa ugu badan ee uu qofku u boholyoow qabaa waa socdaalka, haddaba maadaama oo aanay duruufahan suurtagal ahayn in uu dhul fog u safro, waxa aan aaminsanahay in uu awoodi karo in uu maskaxda ka safro. Sida ugu fiican ee safar maskaxda ah uu ku geli karaana waa in uu helo meel dabeecaddeedu qurux badan tahay iyo cunto dabiici ah oo laydha uu ku cuno.” Ayaa uu yidhi Rasmus.

Si ka duwan inta badan ee dalalka Yurub, Sweden ma’ay xidhin hudheellada, balse keliya waxa ay u dejisay nidaam iyo sharci kala fogaanshiyo bulsho suurtagelinaya.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in hudheelkan qofka keliya u adeegayaa uu helay dalab aad u badan, oo gaadhay in dadku ay is diiwaangeliyaan si ay waqti uga helaan. Rasmus oo bishii Afaraad ka hadlayey macaamiisha badan ee hudheelkiisa doonaya in ay ka cunteeyaan, waxa uu sheegay in illaa bishan shanaad ee haddaynu ku jirno dhammaadkeeda ay sacaadaha shaqada oo dhami dad u xidhan yihiin, waxa se uu sheegay in bisha june iyo Julay laga heli karo fursado haddii hadda qofka doonayaa uu is diiwaangeliyo.