Arwo Al-Qayruwaaniya: Gabadhii Ugu Horreysay Islaamka Ee Odaygeeda Ku Sandulleysay In Aanu La Guursan (4)

0
665

Waa qayb kale oo ka mid ah qisada warqaddii la magac baxday ‘Meherkii Qayruwaaniya’.

Halganka adag ee ay Arwa ku guulaysatay in ay jebiso dadaalladii uu saygeedu doonayey in uu ku buriyo shardigii guurkooda, iyada oo dhinaca kalana ilaalinaysa jiritaanka qoysnimadooda. Arrimaha xiisaha leh ee ay Marwo Arwo ku kacday ma’aha tan aynu ka soo warannay oo keliya, balse waxa kale oo xiise leh sida ay markii u dambaysay u qaybisay hantideeda si ay uga hortagto in ay dhaxasho cid aanay doonaynin.

Inkasta oo uu islaamku beddelay fahamkii qaldanaa ee ay Carabtii hore iyo qaybo ka mid ah bulshooyinka kale ee adduunku ka haysteen haweenka. Isla markaana la caddeeyey kaalinta muhiimka ah ee ay bulshada kaga jiraan, haddana muddo ayaa ay qaadanaysay in dhaqankaasi uu ka wada dhex baxo shucuubta Muslimiinta ahaa, gaar ahaan kuwii Carbeed ee ay Arwa ka dhalatay.

Waqtigan oo la joogay Ciraaq weli waxaa raad weyn lahaa dhaqankaas kala fadilaya ragga iyo haweenka, gaar ahaan dhinaca dhaxalka oo wiilasha oo keliyi ay wax dhali jireen. Arwa waxa ay arkaysay in arrintaasi ay dulmi ku tahay bani’aadamnimada, shareecada Islaamkana baalmarsantahay laakiin aanay waxba ka qaban Karin. Sidaas awgeed waxa ay qaadday tallaabadii ay hantideeda kaga badbaadin lahayd in sifadaas qaldan loo dhaxlo. Gaar ahaan markii uu odaygeedu hadyadda u siiyey beerta weyn ee lagu magacaabi jiray Raxba oo ahayd beer waxsoosaarkeedu badan yahay. Arwa intii aanay dhiman ayaa ay beerteeda ka dhigtay waqaf dumarka oo keliya u furan oo ragga ka mamnuuc ah.

Tallaabada meherka Arwo, waxa ay dhaqan ahaan weli ka sii jirtaa dalka Muritaaniya. Sida uu taariikhyahanka Jaasir Bin Khaliil Abu Sayfa ku sheegayo kitaabkiisa ‘Xuquuqul-mar’ah, fii Burdiyaatil-carabiya, calaa daw’il kitaabi wal-sunna’ Muritaaniya raad badan ayaa uu meherkaas Arwa ku leeyahay. Culimo badan ayaana aqlaba in gabadha iyo ninka ay isugu guuriyaan shardiga Arwo oo kale haddii ay lammaanuhu iyagu marka hore arrintaas soo go’aansadaan. Iyada oo lammaaneyaasha shardigaas la isugu meheriyana ay hadhow sharci ahaan culimadaasi u diidaan in uu ninku xaas kale guursado, maadaama oo haddii uu guursado ay xaasku ka furmayso. Dhammaad.