Guddiga Covid-19 Oo Fasaxay Qaadkii Dalka Soo Galayay

0
653

Hargeysa (Geeska )- Guddiga Covid-19 ee Somaliland ayaa fasaxay soo galistii qaadka ee somaliland oo bisha barakaysan ee Ramadaan xayirnaa.

Guddiga oo warqad qoraal ah soo saaray waxay sheegeen  in wixii ka danbeeya maanta oo axada uu qaadku u iman karo sidiisii caadiga ahayd, waxaanay se shuruudo ku xidheen ganacsatada qaadka iyo dadka isticmaala labadaba.

“sidaan la wada soconto waxay guddiga covid-19 hore u joojisay qaadka wakhti kooban inaga oo ka hortagayna faafintaanka xanuunka coronavirus. Haddaba iyada oo ay ka hadhsan tahay wakhtigii muddo ku siman afar cisho waxay gudigga Covid-19 go’aansatay in la fasaxo laga bari wixii ka danbeeya, oo ah axadda taariikhduna tahay 17/05/2020 qaadku uu iman karo sidii caadiga ahayd fasaxna yahay waxayna guddigu soo saarayaan qodobo (habraaca ilaalinta caafimaadka bulshada) ayna tahay in la ilaaliyo kuna socda ganacsatada qaadka iyo dadka isticmaala labadaba.

Qodobada Habraaca Ah

In kolayga qaadka ay iibin karaan 2 qof oo kaliya mid gudaha iskuna jiraan 2M

Inay xidhaan qalabka ka hortagga ee kala ah af saabka iyo gacmo gashiga.

Inaad dhigtaan kolayga alkoolka lagu masaxdo

In darawalada iyo dadka la socda gaadiidka qaadka keena ay xidhaan af saabka iyo gacmo gashiga, haystaana alkoolka lagu masaxo gacmaha

In shaqaalaha guud ahaan ka shaqeeya qaadka shirkaduhu dhigaan qalabka lagu baadho xumadda ayna baadhaan mar walba oo ay shaqada soo galayaan

In dadka iibsanaya qaadka ay galaan kuyuu iskuna jiraan 2M

Siday hore guddigu u sheegtay waxaan dadka ku boorinaynaa inaanay isugu iman marfashyada iyo majlisyada lagu qayilo midna.