Xukumadda Somaliland iyo Shirkadda Oracle Oo Iska-kashanaya Barnaamijka Kaydinta Xogta Qaranka

0
650

Hargeysa(Geeska)- Munasibad baladhan oo sii heer sare loo soo agaasime oo ka qabsoontay hudheelka ambassador hotel ee magalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen wasirka wasarada xidhidhka golayasha qaranka iyo technolajiyadda, wasirka duulista, wasir ku xigeenka maliyadda, wasir ku xigeenka duulista, agaasimaha guud wasarada waxbarashada iyo xubnaha ka socday wasaradaha dowladda ee ka soo qayb galay bandhigan lagu soo bandhigayee barnaamij casri ah loo yaqaan cloud technology oo ay adeega bixiso shirkada Oracle Technology islamarkana barnaamijkani uu sahlaya kaydinta macluumadka iyo isku-xidhka lamahaa dowladda meel kaste ay joogan.

1

Ugu horayn waxa munasibadan sharaxad ka bixiye xubin ka tirsan xafiska wakiilka uu ah shirkadda Oracle Technology ee dalalka Somaliland iyo Jabuuti lagu magacabo mega politique, Cadnan Hagoog oo sheegay muhimada barniijkan teknolojiyada casriga ah oo ay xukumadda Somaliland ka faa’iideysan karto iyo ururada aan dowliga ahayn, waxana hadalkiisu u dhigna sidan “Waxa aanu manta (shalay) idin soo bandhigi dona anago kaashanayna wasarada teknoolijiyada Somaliland adeegyada kala duwan ee teknolojiiyada casriga ah lo yaqaan Cloud Technology, waxa addunyadu manta ka gudubtay dhismo la dhiso oo la dhigo qalaabka server-ka oo xogta maclumaadka qaranka uu leeyahay oo kale lagu kaydiyo, oo runtina halis ah in ay dhacan dhismahasi dab qabsado burburo oo macluumadkii xukumadda ama shirkad gaar loo leeyahay ay khatar ku sugnato.

 Marka, barnaamijka Cloud Technology wuxu faa’iido leeyahay xogtadii add ku shaqaynayse ee add nidamyada kala duwan add isticmalayse ayaa lagugu kaydinayo meel kale oo aan ka duwan meshan add ku shaqenaysid, hadad imika ka shaqenaysid wasarada maliyadda xogtadii waxa lagugu kaydinaya cloud dal kale yaala ama dalkeena yaala oo la xaafiday adigu xogtadi ka helaya marka khadka internetka ka helaya xogtadii oo dhamaystiran. Horta, wa ka nidaamka casriga ah ee teknolojiyada Cloud oo faa’iidada uu leeyahay in ay fududato helitaanka macluumadka iyo iswaydarsiga xogaha wasaradaha dhexdooda, waxana annu ognahay Somaliland wa baladhan lix gobol bu ka kooban yahay oo wasarad walba xafisyo ku leeyihin gobolada dalka oo bahiii wayne bulshadu ku nool gobolada ay helaan adeegyada dowliga.”  

Wasirka teknologyada iyo cilmibadhista Cali Xamuud Jibril ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha hindisaha ugu xukumadda Somaliland iyo wasaradisuba in ay hirgeliyaan islamarkana ay dhisan xarun guud oo xogta iyo macluumadka qaranka nooc walba tahay ba lagu kaydiyo, waxana hadalkiisu uu dhigna sidan “Wasaradayadu waxa laafdhabar uu tahay horumaarinta teknolojiyadda aqoonta dalka (IT-ga) oo aanu imika raabno inaynu samayno wax la yidha national data centre (xarunta xogta kaydinta macluumadka qaranka) wayo waxa dalka nidaamkiisa IT-ga lafdhabar uu ah in la helo xarun guud oo xogta macluumadka dalka ku kaydsan yahay, taas oo ah xogaha kombutarada oo dalka oo dhan in meel keliya isugu keento.

Wasarada waxbarashada, cafimaadka ama bileyska, wasaradaa beeraha ama maxkamadaha ha-ahaato intas oo dhan waxa ay uu bahan yihiin in ay is wada akhriyaan sii dalka lagu wada ogaado.  Taasi waxa ay keentay in annu assaasno xaruntan xogta kaydinta macluumadka qaranka oo hadda qalabkiisi ugu horeyee annu dhignay oo aanu wadno in shaa Allah rajeenaynayna in shabakadaha networka dalka oo dhan isku wada xidhno, waxana xogta la kaydin dona noqon donta nooc walba macluumadka qaranka anago isku xidhi dona xafisyada wasaradaha dalka oo dhan keeni donta qof walba magacisa lo diwaangeliyo islamarkana kadhkiisa aqoonsiga marnaba muran gelin ama lumin.”