Hormar Laga Sameeyey Dadaalka Ay Culimada Caafimaadku Ugu Jiraan Daweynta Indho La’aanta

0
586

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Monash ee dalka Ustareeliya ayaa daraasad ay ku sameeyeen beerista isha waxa ay ku guulaysteen in ay abuuraan walax aan xadhig koronto u baahnayn oo la kor saari karo maskaxda, kaddibna awood u leh in ay aragga dib ugu soo celiso dadka aan dareenka aragga lahayn. Sidaas waxaa lagu sheegay warbixin caafimaad oo uu dhowaan arrintan ka qoray wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

Nidaamka cusub oo loo bixiyey ‘Gennaris Bionic Vission’ waxa uu ku shaqaynayaa qalab madaxa la saarayo oo ay ku rakiban tahay kamarad iyo qalab lalis aan xadhig u baahnayn, oo ku xidhiidhsan walaxda la dul dhigay oogada maskaxda, kaas oo buuxinaya kaalintii indhaha, maadaama oo aanay indhuhu shaqaynayn.

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey qalabkan cusub iyo tijaabooyin kala duwan oo muddo sagaal bilood ah socday ayaa muujinaya in aanay illaa hadda jirin wax khatar caafimaad ah oo laga cabsi qabo in qalabkani uu ku keeno qofka isticmaalaya.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in qalabkan laftiisa looga faa’iidaysto siyaabo kale oo caafimaad, oo ay ka mid tahay daweynta xanuunka faaligga ama dhan qalalka.