“Gobolka Awdal Tabashadii Saami-qaybsiga Ayaa Weli Taalla, Dawladduna Uma jeedo Oo Qarjajac Ayey Waddaa..”

0
478

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka xog warramay kulan ay shalay la yeesheen Komishanka Doorashooyinka iyo su’aalo kala duwan oo ay ka weydiiyeen qabsoomidda Doorashooyinka, Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha,  xiisada ka taagan Gobolka Awdal,ee ku waajahan tabashada Saami-qaybsiga iyo qodobo kale.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka tirsan Guddida joogta ah ee Wakiilada, ayaa isagoo Wargeyska Geeska Afrika uga warramay kulankan ay la yeesheen Komishanka iyo qodobbada ay ka wada-hadleen ayaa yidhi “Komishanka ayaanu kulan gaar ah la yeelanay, haddii aanu nahay Gudidda joogta ah ee Golaha Wakiillada, way noo xog warrameen, waxay noo sheegeen inay Diiwaangelintii bilaabayaan, oo ay mar wada bilabayaan Awdal, Hawd iyo Gabiley, muddo afar cisho ahna ay wadi doonaan, laakiin wakhitgaasi waa wakhti aad u kooban, waxay ahayd in laga badiyo, Barigii hore waxaa laga codeeyey 1600 oo goobood, haddana waxay Komishanku noo sheegeen inay yihiin 1200 oo goobood, waxayna ahayd in cid walba oo qaandhay in laga diiwanageliyo goobtooda, waxayse Komishanku nagu yidhaahdeen Magaalooyinka kala ahaa A iyo B, oo ah meelo aan kala fogayn, waxayna noo sheegeen inay Goobta A oo kale soo qaateen, ta kale waxaanu weydiinay Xilli Doorashada ay sheegayaan inay ku qabsoomayso maadaama Xeebihii aad u kulul yihiin dadna aanay joogin markaas, waxaanu weydiinay waxaa uga meel yaalla, waxayna noo sheegeen in wakhtiga ay Doorashada ku qabanayaan aanay ilaa hadda hubin, oo laga yaabo inuu wakhtigu dib uga dhaco, Golayaashuna ay ku fadhiyaan qodob dastuuriya, oo korodhsiimadu ahayd ilaa bisha 11aad ee sannadka dambe, waxay noo sheegeen inay Dawladda ka hayaan shan milyan, oo cid kale aanay waxba ka hayn”.

Mar uu ka hadlayey Komiishanka oo ay wax ka weydiinyeen xaaladda ka taagan Gobolka Awdal ayaa yidhi “Waxaanu weyiinay Komishanka xaaladda ka jirta Gobolka Awdal, maadaama dadka reer Awdal aanay diyaar u ahayn inay Doorasho galaan, maadaama ay wax tirsanayaan, waxaanu ku nidhi maxaa idinka meel yaalla ma in aad xoog ku diiwaangalisanaa, mise xeeladda baad ku diiwaangalinaysaan, waxay noo sheegeen in iyaga xoog ka fog yahay, balse goobaha ay Wasaaradda Arrimaha guduhu ay sheegeen inay diiwaangalinayaan, halkay yidhaahdaan ka joogaana ay ka joogayaan, tana waa diiwaangalintii ee Doorashadii maaha, inay dadku is diiwaangaliyaan ayaa fiican, dhanka kale sababta ay ugu horeeysiinayaan dhinaca Galbeedka Somaliland ayey Komishanku noo sheegeen inay yihiin in Barwaaqo ka jirto, halka dhinaca Bariga ay noo sheegeen inay abaaro ka jiraan, ilaa imika, sida Togdheer, Saraar, waxayna noo sheegeen in ay dadku kala guurguureen oo xittaa dadka qaar ay galeen Puntland, oo xooga abaar ayaa jira ayey yidhaahdeen, inkastoo la sugayo dayrtii, Komishanka waxaanu u sheegnay in inta aanay waxba bilaabin inay wax hubsadaan”.

Mar uu ka hadlayey Saami-qaybsiga ayaa yidhi “Gobolka Awdal tabashadii saami-qaybsiga ayaa weli taalla, Dawladduna uma jeedo oo qarjajac ayey waddaa, ee si Somaliland loo wada yeesho waa in arinta Saami-qaybsiga wax laga qabtaa oo la dhammeeya”