In kasta oo uu Donald Trump ka mid yahay madaxdweyneyaasha Maraykan ee muslimiinta adduunku ugu necbaayeen, taas oo sababaheeda ay ka mid tahay taageerada gar iyo gardarraba garab istaagga ah ee uu Yuhuudda siiyo, aflagaadada uu sida joogtada ah ugu sameeyo muslimiinta Maraykanka iyo sharcigii uu dalal muslim u badan kaga xakamaynaye yimaanshiyaha dalka Maraykanka. Laakiin haddana taas macnaheedu ma’aha in aanay jirin cid muslimiin ah oo codkooda siin doona doorashada.
Waxaa jira muslimiin iyagu khilaafsan aragtida inta badani qabto ee ah in aqalka Cad laga saaro Trumo, waxaana la filayaa in codad ku dhow shan meelood meel codadka muslimiinta Maraykanka inuu Trump helo. Sababaha uu Dadka muslimiinta ah ee Maraykanka qaar ka mid ah ayaa aaminsan in Trump uu go’aamo aan faragelin ahayn oo dhowrsoon ka qaatay arrimaha dhinaca bulshada ee xidhiidhka la leh diimaha, sida iska soo ridista carruurta iyo isguursiga dadka isku jinsiga ah oo labadaba ay muslimiinta iyo guud ahaan dadka diimaha aaminsani isku aragti diidmo ah ka taagan yihiin. Waxa kale oo uu Trump taageero ku helay cashuurta dakhliga oo uu dhimay, taas oo dad badan oo muslimiinta dakhligoodu aan badnayn ahi ay u arkeen faa’iido, maadaama oo cashuurtii lagaj ari jiray ay yaraatay.
Lama yaqaanno tirada runta ah ee muslimiinta ku nool dalka Maraykanka, sababtuna waa xeerarka dalka oo mamnuucaya in la diiwaangeliyo tirade dadka kala aaminsan diimaha kala duwan, maadaama oo diinta loo arko in ay tahay tahay xorriyada iyo xuquuqaha ugu muhiimsan ee uu qofka u gaarka ah, waajibna ay tahay in aanay dawladdu faragelin. Laakiin qiyaasaha ay xeeldheereyaasha arrimahan u dhuundaaloola samaynayaan waxa ay tilmaamayaan in muslimiintu ay boqolkiiba 1 illaa 2 ka yihiin tirada guud ee muwaadiniinta Maraykanka oo 330 milyan ah. Taas oo marka tiro ahaan loo beddelo ka dhigaysa in Muslimiintu u dhexeyso 3.3 milyan illaa 6.6 milyan oo ku filqan dhammaan goballada kala duwan ee Maraykanka oo ay qaar badan ka yihiin qiyas boqolkiiba 1 illaa 3 ka ah tirada dadka deggen. Si kastaba ha ahaato ee meelaha ay muslimiintu ku badan yihin waxaa ka mid ah, Washington, New York, gobalka New Jersey, Illinois iyo California. Waxaana la qiyaasayaa in tirada muslimiinta codaysaa ay gaadhayso illaa hal milyan oo qof. Laakiin goballada kala duwan ee ay ku filqan yihiin ayaa yaraysay muhiimadda uu codka muslimiinta Maraykanku ku yeelan lahaa doorashada.
Golaha xidhiidhada Islaamka ee Maraykanka oo magaciisa loo soo gaabiyo CAIR, ayaa rayi ururin ay dhowaan ku samaysay codbixiyeyaasha muslimiinta waxa ay ku sheegtay in boqolkiiba 18 muslimiinta adduunku ay niyeysanyihiin in dib loo doorto Trump. Sida oo kale rayi ururin uu sameeyey maxadka siyaasadda bulshada iyo isfahamka oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISPU) ayaa muujiyey in ay korodhay tirada muslimiinta taageersan madaxweyne Trump, waxa aanay tiradoodu afartii sano ee u dambeeyey korodhay boqolkiiba 10. Sahamintan ayaa sheegaysa in tirada muslimiinta sannadkii 2016 kii taageersanayd Trumo in ay tirada guud ee muslimiinta ka ahayd boqolkiiba 4, laakiin horraantii sannadkan 2020 ay marayso boqolkiiba 14. Rayi ururin uu isla maxadkani sameeyey bilo ka horna, waxa uu ku ogaaday in tirada muslimiinta taageersan Trump ay soo korodhay, kaddib markii boqolkiiba 30 ka mid ah muslimiintii la weydiiyey ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay u codeeyaan Trump.
Marka hoos loo sii galo isirka muslimiinta u diyaarka ah in ay u codeeyaan Trump waxa ay rayi ururintu muujinaysaa in muslimiinta madowga ah ee diyaarka u ah in ay Trump u codeeyaan ay tiradoodu ka yar tahay boqolkiiba 5 ka mid ah tiradooda guud, halka muslimiinta caddaanka ahi ay boqolkiiba 50 diyaar u yihiin in ay Trump u codeeyaan, muslimiinta isir ahaan ka soo jeedda gobalka Bariga dhexena ay boqolkiiba 25 ka mid ahi diyaar u yihiin in ay Trump u codeeyaan.
Doorashadii uu Trump ku soo baxay ee sannadkii 2016 kii, Trump waxa uu ol’olihiisii sheegay in uu ku fikirayo sidii uu u xidhi lahaa tiro ka mid ah masaajidda dalka Maraykanka, inta soo hadhana uu ku sameeyo nidaam dabagal oo lagula socon karo dhaqdhaqaaqa gudihiisa ka jira, dhinaca kalana waxa uu ballanqaaday in uu muslimiinta dalka u samayn doono aqoonsiyo ka duwan kuwa muwaadiniinta kale, suurtagalna ay tahay in uu sameeyo barnaamijyo kombiyuutar oo lagu diiwaangeliyo xogta dhammaan muslimiinta ku nool Maraykanka, lagulana socdo dhaqdhaqaaqyadooda oo dhan.
Iyada oo ay sidaas tahay haddana rayi ururin ay markaas samaysay hay’adda CAIR waxa ay waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 13 ka mid ah muslimiinta dalka Maraykanku ay u codeeyeen Trump halka boqolkiiba 74 ay u codeeyeen gabadhii ay tartamayeen ee Hilary Clinton. Goballada ay muslimiintu ku badan yihiin ayaa ah kuwo marka horeba ay codadka ugu badan ka helaan murashaxiinta xisbgia Dimuqraaddigu. Marka laga reebo gobalka Michigan oo tirada dadkiisu ay 10 Milyan yihiin. 270 kun oo muslimiin ah ayaa gobalkaas uga diwaangashan codaynta doorashooyinka. Tiradaas oo aad u badan muhiimna ah marka la eego gobalkan oo ah kuwa codkooda lagu kala baxo, kaalinna ka qaatay in Trump uu ku guulaysto doroashadii sannadkii 2016 kii.
Dadka doorashooyinka Maraykanka ka faalloodaa waxa ay aaminsan yihiin tiradaas badan ee muslimiinta gobalka Michigan haddii la abaabulo in ay muslimiinta ka dhigi karto sabab muhiim ah oo lagu kala baxo doorashada madaxtinimada ee dhowaan la filayo.
Golaha xidhiidhka muslimiinta Maraykanka ayaa rayi ururin uu 30 kii Sabtembar 2019 kii ku sameeyey 846 muslimiin isu diiwaangeliyey codbixinta doorashada waxa uu ku ogaaday natiijooyin ay ka mid tahay:
- Boqolkiiba 89 ka mid ahi waxa ay niyadda ku hayaan in aanay cod bixinta ka maqnaan, taas oo ka dhigan in muslimiinta Maraykanka ee diyaarka u ah codbixintu ay marka bolleyda la eego ka badan yihiin qiyaasta boqolley ee guud ahaan muslimiinta u diyaarka ah codbixinta.
- Boqolkiiba 71 kow ka mid ah muslimiintu waxa ay niyadda ku hayaan in ay u codeeyaan murahsaxa Joe Biden. Dadkani waxa ay aaminsan yhiin in Joe Biden uu yahay madaxweynaha ku habboon dalka Maraykanka.
- boqolkiiba 18 ka mid ah muslimiinta rayi ururinta lagu sameeyey ayaa caddeeyey in ay doonaynaan in Trump ay u codeeyaan.
Natiijada guud ee rayi ururintan ka soo baxday.
- Tirada muslimiinta sida adag u waafaqsan siyaasadaha xisbiga dimuqraaddigu waxa ay boqolkiiba 66 illaa 78 ka badan tahay intii ay ahayd sannadkii 2018 kii.
- Laba sano ka hor tirada muslimiinta taageersan xisbiga Jamhuurigu waxa ay ahayd boqolkiiba 17 tirada guud ee muslimiinta codayn karayey, laakiin laba sano kaddib oo Trump u taladii hayo loogana soo joogay go’aamo iyo ereyo badan oo Islaamka ka cadhaysiiyey, haddana tirada tirada muslimiinta doonaya in ay Trump u codeeyeen waxa ay korodhay laba dhibcood, waxa aanay noqotay boqolkiiba 19.
- Dadku sababta ay u taageereen xisbiga dimuqraaddiga waxaa la mid ah kuwo xidhiidh la leh arrimaha diimaha, sidaas awgeed boqolkiiba 65 ka mid ahi waxa ay aaminsanyihiin in dimuqraadiyiiintu ay xorriyado badan siinayaan diimaha, halka boqolkiiba 19 ka mid ahi ay aaminsan yihiin in xisbiga Jamhuuriga ah uu yahay ka sida aadka ah u daneeya diimaha
- Boqolkiiba 72 ka mid ah codbixiyeyaasha muslimiinta ayaa aaminsan in xisbiga dimuqraaddigu uu ku horreeyo macaamil wanaagga soogalaytiga. Halka boqolkiiba 15 ka mid ahi ay aaminsan yihiin in madaweyne Jamhuurigu uu danaynayo danahiisa gaarka ah.
- Boqolkiiba 45 Muslimiinta Maraykanka ee codeeya ayaa sahamintani muujisay in ay u arkaan xisbiga dimuqraaddigu in uu si guud yahay saaxiibka Muslimiinta, boqolkiiba 44 ka mid ahina waxa ay aaminsan yihiin in uu ugu yaraan si dhexdhexaad ah ula dhaqmo diimaha oo Islaamku ku jiro, halka boqolkiiba 14 ay u arkaan in uu yahay xisbig aan jeclayn muslimiinta.
- Boqolkiiba 61 codbixiyeyaasha muslimiintu waxa ay aaminsan yihiin in xisbiga Jamhuurigu aanu aanu jacayl iyo xitaa calool dabac u haynin muslimiinta, boqolkiiba 24 ka mid ahina waxa ay u arkaan in uu yahay xisbi aan diimaha kala dhoweysan, laakiin boqolkiiba 16 ayaa aaminsan in uu yahay xisbi kalgacal u haya muslimiinta.
- Boqolkiiba 67 muslimiinta sahamintani martay ayaa aaminsan in Islaam ka saska iyo dareennada cadaawadeed ee muslimiinta lagula kacaa uu dalka Maraykanka kordhay afartii sano ee u dambeeyey, halka boqolkiiba 15 ay aaminsan yihiin in Islaam-ka-sasku uu yaraaday, boqolkiiba 18 na ay doorbideen in aanay su’aashaas ka jawaabin.
Marka la isu geeyo tirakoobyadan, waxaa muuqanaysa in ay mar kastaba jiraan muslimiin xisbiga Jamhuuriga u arka in uu dan u yahay diintooda, inkasta oo sannadihii dambe habdhaqanka madaxweyne Trump uu aad u kala fogeeyey Islaamka iyo xisbigan, haddana wax la fogeysan karo ma’aha in ay jiri doonaan muslimiin codkooda siiya xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweynihiisa dib u doorashada raadinaya ee Donald Trump. Dhammaad.