Hooyo Ka Warantay Gabadheeda Oo $ 1300 Oo Madax Furasho Ah Loogu Haysto Libiya

0
510

Hargeysa (Geeska) – Koos Maxamed Ibraahim oo ah hooyo muddo dheer ka shaqeynaysay Wasaarada Caafimaadka Somaliland waaxdeeda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa ka warantay gabadh ay dhashay oo dalka Ka Tahriibtay.

Koos Maxamed Ibraahim oo Wariye Geeska Afrika ka tirsani la kulmay iyadda oo wejigeeda ay ka muuqato murugo badan oo ay ku beertay gabadh ay dhashay oo dalka Ka Tahriibtay markii sida ay sheegtay laga eryey shaqo ay ka haysay xafiiska Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in gabadheeda oo Magaceedu yahay Cawo Axmed Cismaan isla-markaana ku shaqeynaysay kalkaalisonimo ay kala soo hadashay meel ku taala gudaha dalka Liibiya oo ay kooxo dadka Mastaafurka afduubaa ku haystaan, si ay lacag madax furasho ah uga qaataan, waxayna sheegtay hooyadani in lacagta madax furashada ah ee ay gabadheedu u soosheegtay Iaga doonayaa ay dhan tahay $ 1300 doollar, oo aanay wakhtigan awoodi Karin.

Hooyo Koos, waxay sheegtay in lacagta gabadheeda madax furashada loogu haysto markii ay awoodi wayday ay u xaraashayso gaadhigeedii, bal si ay nolosha gabadheeda ugu badbaadiso, maadaama oo ay gacanta ugu jirto dad cawaan ah oo lacag mooyaane aan wax kale aqoonin.

koos oo la waydiiyay waxa ay u malaynayso waxa sababay in gabadheeda oo aqoon caafimaad lahayd inay Tahriibto ayaa ku jawaabtay “Waxay igala soo hadashay meel Liibiya gudaheeda ah, waxayna igu tidhi haddii Wasaarada caafimaadku adiga cirro kaa soo saartay, anigu waan shaqo tagayaaye ii soo ducee’ ayay tidhi waxayna intaa ku dartay in gabadheedu ka codsatay inay ka soo bixiso $ 1300 oo dollar, taasina ku khasbayso inay gaadhigeeda u xaraashto.