Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Sheegtay Inay Hakiyeen Deeqdii Waxbarasho Ee Suudaan Dalka Siin Jirtay Iyo Sababta Keentay

2
547

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirka waxbarashada  iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa daboolka ka qaaday inay sanadkan joojiyeen ardaydii dalka Sudan uu deeqda waxbarasho ku  siin jiray Somaliland, ka dib markii dawlada Somaliya Sudan ku amartay  in ay joojiyaan qabashada Shahaadada iyo baasaboorka Somaliland.

Sida oo kale waxa ay wasiir Samsam Cabdi Sheegtay in ay tagi doonaan Sudan si ay arintaas meel iskula soo dhigaan, intaas ka horna ay ardaydaas si ku meelgaadh ah u joojiyeen.

Dhanka kale wasiir Samsam waxa ay sheegtay in ay  albaabada u laabi doonaan tiro jaamacado ah oo tayadooda sare u soo qaadi kari waayay, isla markaasna ay ardaydii jaamacadahaas dhiganaayay ay jaamacado kale u diyaariyeen.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa arimahan ka hadashay ka dib markii ay hortagtay golaha wakiilada ee Somaliland, waxaana ugu horayntii iyada oo ka hadlaysa deeqaha waxbarasho ee Sudan ay siin jirtay Somaliland ay tidhi  “ Sudan sandkii hore imtaxaan ayay qaadeen markii ay deeqda jaaamacadaa bixinayeen waxaanay qaateen dhawr iyo afartan oo dhamaantoodna waxay noqdeen reer Somaliland, Sanadkan Somaliya ayaa u tagtay waxaanay ku yidhaadeen shahaadada iyo baasaboorka Somaliland ha aqbalina, anagana wakhtiga imtaxaanada aanu diyaarinaynay ayaa naga soo galay oo maanu awoodin inaanu tagno, waaban rabnay inaan tagnee, markaas sanadkan intii ay na siinayeen deeqdaas waxbarashada waxaanu ku nidhi ma qaadanayno intay jiraan kaanbaynadan siyaasadeed oo arday Somaliland ah baasaboor iyo shahaado Somaliya ah kuna imanayaan, halkiibaanu ku joojinay, waxaana noo balan ah in  hada marka imtaxaanadu ay dhamaadaan aanu wafti ku tagno dabadeedna aanu meel wax isla soo dhigno.” 

Sida oo kale Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay shaacisay inay xidhayaan dhawr jaamacadood ka dib  markii ay tayadooda sare u soo qaadi waayeen  “ Wali jaamacad kaliyaata oo aanu ruqsad siinay may jirin ka xukuumad ahaan, waxaanan isku daynay bal in kuwii jiray la eego waxa ka dhiman iyo waxa lagu kordhinaayo, waxaanu u samaynay komishanka tacliinta sare waxaan soo saarnay in shuruuc loo sameeyo ay jaamacaduu soo buuxiyaan oo aan jaamacadii iyaga oo ay arday dhigato uun la odhan waa la xidhayaa ee loo sameeyo  waxyaabihii lagu baadhayay tayadooda dabadeena wakhti la siiyo sidii ay wax isaga badali lahaayeen waxna ay u soo kordhin lahaayeen, hadday intaas suurta gali waydana iyada oo la wada joogo laga qaado shahaadada jaamacada, markaas hadda lafteeda waa ay joogaan jaamacado u diyaar ah in la xidho oo iyaguna ogaaday in aanay wixii sii wadi karayn, xidhistiina waxa ka hor imanaysa ardaybaa dhigta ardaydii markaas sidii jaamacado loogu raadin lahaa, nasiib wanaagna waanu u helnay jaamacadii ay dhili lahaayeen si ardayga waxii uu soo dhiganaayay aanay uga lumin jaamacadiina waa ay garawsadeen in aanay sii wadi karin oo meel wacan ayay maraysaa.”

Ugu danbayntii Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay xildhibaanada golaha wakiilada u sheegtay in dalka Masar deeq waxbarasho uu siiyay toban arday isla markaasna ay ku tagi doonaan Shahaadada iyo Baasaboorka Somaliland.

Comments are closed.