Sidee Muqdisho Iyo Somaliya Looga Dareemay Safarka Axmed Ismaaciil Samatar?

1
601

Picture4Hargeysa(Geeska)-Safarka uu Axmed Ismaaciil Samatar, ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa wuxuu noqday mid soo jiitay indhaha guud ahaan dadka Somalida ah, waxaana safarkiisan si weyn loogu falanqeeyay goobaha lagu kulmo.

Prof. Samatar, oo Axadii ku soo laabtay dalkiisa hooyo waxa markii uu garooamda Hargeysa iyo Berbera ka soo degay uu dhunkaday ciiddiisa hooyo taas oo aanu samayn dhawrkii jeer ee uu ka dagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Inkastoo uu Prof. Samatar caan ku yahay inuu hadba keeno waxyaabo cusub oo bulshada dood ka dhex abuura, haddana dhunkashada ciiddani waxay noqotay mawduuc hadheeyay safarkiisa islamarkaana kaba falcelin batay ujeedada uu dalka u yimid. Dhunkashada ciidda hooyo waxay muujisay inuu dal-tabyo u qabay inuu mar uun cagaha soo dhigo wadankiisa hooyo oo uu muddo soddon sannadood ku siman ka maqnaa.

Sidoo kale dadkii faraha badnaa ee iyadoon la abaabulin soo dhaweeyay waxa ay iyaduna muujisay in isna ay dadkiisu sidaas si leeg u qabeen hilow iyo inuu mar uun dib ugu soo noqdo si uu qaybtiisa uga qaato horumarka iyo aqoonsi raadiska.

Marka laga hadlayo goobaha ay dadka reer Somaliya ku kulmaan amaba ay ku falanqeeyaan xaaladaha siyaasadeed ee gobalka, waxa doodahooda ka muuqata inay dadka ka soo horjeeda qaranimada Somaliland ka cadhoodeen safarka uu ku yimid Somaliland iyo sida loo soo dhaweeyay. Tusaale ahaan baraha face booka ee ay leeyihiin dadka Somaliya, waxa laga dareemayay faalooyinka ay ka bixiyeen sawirada laga qaaday Prof Samatar, inaanay la dhacsanayn safarkiisa.

Inta badan warbaahinta fadhigeedu yahay Muqdisho amaba laga leeyahay dalkaas Somaliya, waxay safarka Prof Samatar u dhigayeen si ka duwan sidii ay uga warbixin jireen safaradii uu ku tegi jiray magaalada Muqdisho amaba gobalada kale ee dalka Somaliya. Xataa qaarkood ayaa raaciyay sawir kartoono ay aflagaado ka muuqato. Tusaale ahaan warbaahinta Muqdisho laga leeyahay badankeedu waxay safarka Axmed Ismaciil Samatar ee Somaliland ay ku saleeyeen guuldaradii uu kala kulmay doorashadii madaxtinimadi ee sannadkii hore Xasan Sheekh Maxamuud loogu doortay Madaxweynaha Somaliya, waxaanay ku doodayaan in guuldaradaasi sabab u tahay safarkiisa Hargeysa. Hase yeeshe Yuusuf Garaad, oo ahaa madaxii hore ee BBC-Somali, ayaa isagu soo dhaweeyay safarka Prof Samatar. Yuusuf Garaad, waxaanu qoraal kooban oo uu bartiisa face booka ku qoray ku yidhi “Waxaan u hambalyeynayaa, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo maanta tegey Hargeysa, oo uu moogaa muddo aad u dheer, maantana si weyn loogu soo dhoweeyay. Axmed Ismaaciil oo ku dhashay degmada Gabiley, oo aan Hargeysa ka fogeyn, waa aqoonyahan martabad sare ka gaaray culuunta siyaasadda xag cilmi-baaris iyo xag macallinnimo Jaamacdeed. Waxaan rajeynayaa in uu dalkiisa iyo dadkiisaba u faa’ideeyo. Waxaa kale oo aan rajeynayaa in socdaalkiisa Hargeysa uu ka qoto dheeraado ummaddana uga waxtar bato kii uu Muqisho ku tegey sannadkii hore. Dhanka kale, Hargeysa waxaan u rajeynayaa in ay hanato Axmed Samatar oo ay Muqdisho hanan weyday.” Qoraalkaas kooban ee Yuusuf Garaad, waxa ka dhalatay dood, waxaana laga dareemayaa in dad badani aanay safarkiisa jeclaysan.

Si kastaba ha ahaate safarka uu Axmed Ismaaciil Samatar ku yimid Somaliland waxa soo dhaweeyay dadka reer Somaliland waxaanay tuseen inay mar uun sugayeen inuu dib ugu soo noqdo, halka uu isna muujiyay inuu isna taas ku taamayay.

Comments are closed.