Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM (17/10/1984kii – 17/10/2015ka)

0
752

Picture1

Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

 Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

 Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

 Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

 Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

 Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 5aad

13/10/2015ka, Hargeysa,

SOMALI NATIONAL MOVEMENT

Flimsy File                                                                                      Dire Dawa

Oct. 25/1984

Guddoomiyaha SNM

Dire Dawa

Uj: warbixin dagaal

17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah:

10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ‘Ife’ ahaa.

Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.

Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid bandanna waa laga gubay.  

Waxa weli inoo socota warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa ka dhacay Kaam-Xabashi, waana tan warqaddii oo halkeedii ka sii socotaa:

4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay. Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:

108 askari oo geeriyooday iyo in badan oo dhaawacantay,

9 gaadhi oo gaashaanna oo la gubay,

2 gaadhi oo gaashaannaa oo lagala hadhay, ama furtayba,

1 jiib, 1 Shilke iyo 1 Toyota oo qori saarnaa oo la gubay,

Hub iyo rasaas badan oo kale oo laga furtay,

Khasaarihii Ciidankii SNM gaadhay:

Magacyada Mujaahidiintii shahiidday oo warbixintaa ku qornaa,

30 Mujaahid oo dhaawacmay oo badankkodu fududaayeen,

Hubka la waayay:

BKM: 1, RBD: 4, RBJ/7: 1m AK: 18 isugeynna noqday 24 qori.

Haddii aynu warbixintii Ibraahin Kood-buur intaa kaga baxno, si aynu xaqiiqadii maalintaa

Khamiiseed ee 18/10/1984kii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle waxa lala aasay oo iilka loo kala weeciyay Mujaahid Mubaarak Axmed oo ‘Hadhuudho’ lagu naanaysi jiray siday ii sheegeen Cabdi-Laangadhe iyo Cabdi-Shanaad oo isagu ka mid ahaa dadkii dagaalkaa ku naafoobay.

Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:

Ismaaciil Maxamed Guuleed (Iraad): Hargeysa lagu toogtay,

Aadan Cabdi Cumar (Buuri): Hargeysa lagu toogtay,

Xoor-xoor: Hargeysa lagu toogtay,

Saleebaan Madoobe: Isaga oo dhaawac ah ayuu gaadhigii siday ku dhintay oo ay ka tureen, dadkii ayaa dhexda ku aasay,

Baashe Faarax: oo laga sii daayay isaga oo fayow maa daamaa uu yaraa,

Mujaahid Af-yare la yidhaahdo oo dhimashada lagu tirinayay mar danbe ayaa isaga oo nool saldhiggii Durya laga helay, immikana madaxa ayuu ka jirran yahay oo Hargeysa ayuu joogaa.

Sow tii Aadan Tarabbi lahaa mar uu Faqashtii la hadlayay:

“Ama midho Berdoo,

 Bisil baanu noqon,

 Ama qodax bir-lab ah,

 Oo Booca kaa muddiyo,

 Bixisaanu noqon,”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)