Hoggaamiyihii Al-Qaaciida Ee Bariga Afrika Oo La Sheegay In Dhawaan Muqdisho Lagu Dilay

0
896

 

Picture1Muqdisho(Geeska) Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa si wadajir ah u sheegay in hogaamiyihii Al Qaacida ee bariga Afriga lagu dilay Todobaadkii la soo dhaafay magaalada Muqdisho. Hogaamiyahan ayaa dhimashadiisa waxa xaqiijiyay Mathew Iteere  oo ah madaxa ciidamada booliska ee dalka Kenya iyo saraakiil ka tirsan dawlada Sh.Shariif, saraakiishaasi ayaa xaqiijiyay in Fazul Cabdullah oo ahaa hogaamiyaha Al-qaacida ee bariga Afrika in ay ciidamadda dowladda Sh.Shariif arbacadii la soo dhaafay ay si lama filaan ah ugu dileen isgoyska Ex control Afgooye.

 Fazul Abdullah, oo da’diisu aheyd 38-Sano ayaa la rumeysanyahay in uu qorsheeyay qaraxyadii xoogganaa ee 1998 dii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee ku kala yaalay Nairobi iyo Dares Salaam, Mareykanka ayaa wakhtigaasi shaaciayay inay  shan milyan oo doolar siinayaan  cidii soo disha ama soo qabata  Fazul..

Madaxa booliska kiniya Mathew Iteere ayaa hadaladiisii waxa kamid ahaa  “Waxaan helay akhbaar ka timid madaxda Somalia oo ah in laba nin la dilay arbacaddii uu midkood ahaa Fazul’’  masuulkani oo la hadlaayay wakaalda wararka AFP.

Dhinaca kale sarkala sare oo ka tirsan Al Shabaab oo sida wakaaladu ay sheegtay la hadlay ayaa yidhi  “mid ka mid ah raggii arbacadii lagu dilay Ex control Afgoye waxuu ahaa  Fazul Abdullah, Ilaah ha u naxariisto, ma aanu dhiman maadaama ay joogaan kumanaan isaga la mid ah oo ku jira dagaalka cadawga Alle lagula jiro”

 

Sida uu kuwaramay sarkaal katirsan dawlada Sh.Shariif waxa saarnaa gaadhigaasi lagu toogtay labda nin ee midi yahay  Fazul daawooyin, kombuyuutarada Laptop-ka, tilifoonadda Mobile-ka. Fazul ayaa la sheegayaa inuu markaas la dilay watay baasaboor South African ah magaca ugu qornaana uu ahaa Daniel Robinson oo dhashay 1971-dii.

 

Baasaboorka ayaa waxaa ku cad in uu soo baxay 13-kii bishii April ee sanadkii 2009, waxaana ka muuqda baasaboorka in qofka heysta uu ka soo tegay dalka South Afrika 19 kii March uuna u soo socdaalay dalka Tanzaninia oo uu fiiso ka helay, fiisaha keliya ee saarnaa Baasaboorkana ay uu ahaa dalkaasi Tanzania. Waxaa kale oo ay sarkaalkan ka tirsan nabad sugida dowladda Sh.Shariif uu sheegay in Fazul uu watay 40,000 oo dollar ka dib markii meydkiisa la baadhay.

 

Wararka hordhaca ah ee ka soo bxay dawlada Sh.Shariif ayaa sheegay in ninkaasi lagu wareejin doono saraakiil Maraykankan ah oo ku sugan garoonka dayuuradaha ee magaalda Muqdisho si baadhitaan rasmiya loogu sii sameeyo.

 

Fazul Abdullah, waxuu ku dhashay jasiiradda Komoros, wuxuu ururka Al qaacida uu ku soo biiray 1991-kii, waxaana la rumeysanyahay in uu ka dambeeyay weeraradii safaaraddaha Mareykanka ee 1998-dii.

 

2002-dii ayaa Fazul Abdullah  waxaa loo magacaabay madaxa howlgalka ururka Al qaacida ee bariga Afrika, waxaana isla sanadkaasi uu qeyb qaatay  weeraro lagu qaaday  dad u dhashay Israel oo ku sugnaa Magaladaa Mambasa halkaasi oo ay ku dileen 15  oo u dhashay Israel, wuxuuna ka badbaaday Fazul Abdullah  bishii Jun 2007-dii duqeyn Mareykanka uu ku qaaday deegaanka Raaskambooni oo kuyaala koonfurta Soomaaliya.