Golaha Guurtida Oo Loo Qaybiyay Xeerka Isgaadhsiinta Ee Dalka

0
949

 

DSC09016

Hargaysa(Geeska)-Kulan caadiya oo ay shalay  yeesheen golaha guurtida ee Somaliland ayaa waxa loogu qaybiyay xeerka isgaadhsiinta oo ahaa xeer dood xoogan ka dhex dhaliyay bulshawaynta Somaliland, markii ay ka doodayeen golaha wakiilada oo iyagu hore xeerkan u soo ansixiyay.

Fadhigan golahu uu yeeshay ayaa waxa shir gudoominayay gudoomiyaha koowaad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, waxaanay marka hore mudanayaasha golahu ay warbixin ka dhagaysteen guddida joogtada ah ee golaha oo ka xog warantay in tii golahu uu ku maqnaa fasaxa waxyaabihii u sii qabsoomay.

Guddida joogta ah ee golaha guurtida ayaa waxa ay sheegeen inay la kulmeen wasiirka hawalaha guud iyo guryaynta, wasiirk awasaarada beeraha, wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, duqa caasimada, taliska ciidamda asluubta dhamaantoodna ay masuuliyiintaasi soo bandhigeen waxqabadkoodii iyo waxa ay hiigsanayaan, gudiga ayaa warbixintooda ku soo gunaanaday ina dhamaan masuuliyiintaasi ay codsadeen in loo baahan yahay inay bulshada Somaliland ay hurto bixinta cashuuraha si uu u kobco dakhliga u soo xaroonaya dawlada, isla markaana ay haayadaha dawliga ah u qabtaan hawlaha looga fadhiyo oo ay ka curyaamisay dhaqaalo daro.

Xeerkan is gaadhsiinta oo lanbarkiisu yahay No:50/2011 ayaa golahu waxa uu soo naaqishayaa inta ka hadhsan maalinta Isniinta ah ee fooda inugu soo ahaysa, waxaana golahu uu ka yeelan doonaa dooda la filaayo inay noqon doonto mid xaasaasiya marka loo eego doodii adkayd ee ay ka soo yeesheen golaha wakiilada oo xeerkani hore u soo ansixiyay.