Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Qaraxii Lagu Dilay Wasiirkii Dawladda Shariif Ka Tirsanaa

0
789

 

llkkkkMuqdisho(Geeska)-Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay qaraxii habeen hore lagu dilay wasirkii arrimaha gudaha ee dawladda Sheekh Shariif Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa xusay inaanay  dilkaas haweeney u adeegsan ayna wararka arrinatn ku saabsan ee la isla dhexmaryo ay been yihiin. "Waxaan Alle mahaddii inoo suurogashay inaan wasiirkii arrimaha gudaha ee DKMG ah ugu xidhno sariirtiisa qalabkii dili lahaa, isagoo sheeganaya inuu mas'uul ka yahay ammaanka gudaha," ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenku,  wuxuu sheegay in dariiqa uu maray wasiirka ay xubnaha kale ee dowladda sugayso, isagoo xusay in taangiyada AMSIOM aanay  geerida ka difaaci karin. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa wuxuu u dhintay habeen hore  fiidkii dhaawacyo culus oo kasoo gaadhay qarax lagula beegsaday gurigiisa. Qaraxaas ayaa la sheegay inay fulisay haweenay uu wasiirku adeer u ahaa oo gurigiisa joogtay taas oo iyana ku geeriyootay qaraxaas.