Hindhisada Oo Aad Isku Xejisaa Waxa Ay Keeni Kartaa Hunguriga Oo Dilaaca Iyo Khataro Kale Oo Caafimaad

0
1028

London (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa ka digtay in qofku marka uu hindhisayo uu afka isku qabto, sankana gacanta ku xidho ama cidhiidhiyo. Arrintan oo ay sameeyaan dad badan oo diidaya dhawaqa hindhisada ayaa ay cilmibaadhistu sheegtay in ay sabab u noqon karto khataro caafimaad oo ay ugu weyn tahay in dalool ama dillaac uu ku samaysmo hunguriga.

Cilmibaadhayaal ka tirsan cisbitaalka jaamacadeed ee Leicester oo cilmibaadhistan sameeyey ayaa muddadii ay daraasaddan wadeen dadka ay la kulmeen uu ka mid ahaa nin u dhashay dalka Ingiriiska oo afka iyo sanka xidhay xilli hindhiso qabatay, laakiin markiiba cisbitaal loola cararay kaddib markii awooddii caabbiska hindhisadu ku soo baxaysay ay qarxisay dhuunta. Ninkan oo ah 34 jir, magaciisa qariyey ayaa sheegay in isla markii uu hindhisay uu dareemay hadalkii ku xidhmay, isla markaana aanu waxba liqi karin. Warbixin ay daabacday shabakadda Alcarabiya oo uu Geeska Afrika soo xigtay ayaa sheegaysa in uu dillaacay hunguriga qayb ka mid ah oo qabata shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin in cuntadiu marto iyo ay neeftu marto. Waxa aanay xaaladdan oo dhif ahi mararka qaarkood ku dhacdaa dadka matagga ama qufaca weyn isku xejiya iyo markan hadda aynu ka hadlayno oo ah in qofku uu hindhisada xejisto.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in hindhisada oo la isku celiyo iyada oo la daboolayo afka iyo sanku ay tahay arrin keenta khatar caafimaad, oo ay ka mid yihiin in durbaanka dhegto qarxo, in xididdada dhiigga geeya maskaxdu qarxaan iyo midkan aynu soo sheegnay ka mid tahay, sidaa awgeedna laga rabo qof kasta in uu iska ilaaliyo falkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here