“Sicir Bararku Waa Aafo Qarankan Ku Habsatay”

34
3371

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur

uur

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay sicir bararka dalka ka jira, waxaanu sheegay in masuuliyadda kowaad ee wax ka qabashadu ay saaran tahay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa,gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, waxaanu soo jeediyey in sida ugu dhakhsaha badan aafada Sicir bararka wax looga qabto.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tirikoobka Shaqaalaha Dawladda ee ay wado Hay’adda Shaqaaluhu, waxaanu sheegay in aanay isku xuquuq ahayn qofka shaqaalaha ah ee umadda u shaqeeynaya, iyo qofka aan umadda u shaqayn ee mushaharka iska qaata, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay dagaalka ka dhacay Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel Afweyn “Dadkaas dhintay waa dad inaga dhintay ee ILLAAHAY ha u naxariisto, labadan dhinacna laba dhinac maaha ee waa isku dhinac, beelahana maaha beelo la odhan karo waa walaalo, ee waa beelo is ah, haddii ay cid walaalo yihiin labad beelood ayaa walaalo ah, labadan beeloodna magacooda waxa la yidhaahda habar lamaan, oo ay caan ku yihiin, sida aynu taariikhda ku ognahayna waa laba beelood oo aan hore isku dilin, dagaalna aanu hore u dhexmarin, markaas waxaanu leenahay dagaalka sida ugu dhakhsaha badan ha loo joojiyo, dadka halkaas inagaga dhintayna midna inantii baa dhashay, midna inankii baa dhalay, laba walaalo ah ayaa midba mid dhalay, ma waa isku seedi, ama waa isku sodog, ama waa ilmaamti,ama waa isku abti, waa ehel qudha, waa guri qudha dadka meeshaas jooga, caqligu ha shaqeeyo, oo ha la joojiyo dagaalkaas aan milgaha lahayn”.

Mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku waa aafo qarankan ku habsatay, cidii qaranka dan ka leh ayaana wax ka qaban karta, maantana Shilinkii Somaliland halku marayo waanu aragnaa,wax ka qabashada aafada Sicir bararka waa  xil Madaxweynaha iyo Wasaaradiisa Maaliyadda saaran, waana dhib umadda ku habsatay, ee xal ha laga gaadho”.

Xildhibaan Muuse mar uu ka hadlaayey tirikoobka Shaqaalaha Dawladda ee ay Hay’adda Shaqaalaha bilawday ayaa yidhi “Umaddu wax bay wada leedahay, qofka umadda u shaqeeya, ee u kalaha, waa inuu xuquuqdiisa helaa, haddii ay soo baxaan dad la caaglaystay oo aan shaqaale ahayni waa in aan la qarin, ee umadda loo soo bandhigaa musuqa jira, oo qof aan umadda u soo shaqeeyn oo aan u soo dhididin, waa in aan hantida umadda la siin, oo aan lagu naas nuujin, oo aan laga sukeeysiin midka kale ee la midka ah”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here