Haddii Aad Maqli Jirtay ‘Qalbi Jab’ Waxa Aad Ku Darsataa In Cilmigu Uu Xaqiijey In Uu Jiro Iyo Sida Uu Ku Yimaaddo

25
4436

Washington (Geeska)- Waa hubaal in badna aynu maqalno ruux qofkii uu jeclaa ka daldoorsaday ama mawd ka kaxeeyey, ama wiil waalidkii caasi ku noqday iyo arrin kasta oo dareenka kalgacal la xidhiidha oo qofka ay ku dhacdo murugadiisa lagu tilmaamo, ‘Qalbi jab’ In kasta oo ay tahay xaalad dhib badan oo uu qofku maro, haddana badankeenu waxa aynu aaminsannahay in uu ka gudbi doono, oo marka aynu qofkaas samirsiinayno waxa aynu ku celcelinnaa, “Waqtiga ku illowsiin iyo Alle dhaqso ha kuu illowsiiyo” Waxa se dad badani ku doodaan in aaminsanaantaas ka bogsashadu ay tahay mid qaldan. Halka kuwo kalana ay siyaabo kala duwan oo yasidi ku jirto u sheegaan in qalbigu aanu jebiba karin.

Kelmadda ‘Qalbi Jab’ uma taagna oo keliya xaalad nafsi ah oo qofka ku dhacda marka ku hungoobo ama waayo qofka uu jecelyahay, laakiin waxaa jira xaalado ka dhasha ‘Qalbi jabka’ oo jidh ahaan qofka u saameeyaa.

‘Qalbi jabku’ waa erey u taagan ama la macne ah xaaladda caafimaad ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Takotsubo’ Cardiomyopathy’ oo ah xanuun la bartay horraantii sagaashamaadkii qarnigii labaatanaad. Xeeldheereyaal caafimaad oo u dhashay dalka Jabbaan ayaa ogaaday in xanuunka Cardiomyopathy uu yahay dabac ama baqal ku yimaadda dhegyarada bidix ee wadnaha , kaas oo ka dhashay xaaladda sakatiga, warwarka iyo walaaca ah ee qofka ku dhacda marka uu waayo qof uu jecel yahay, sida uu doono ha ku waayo ee. Waxa ay khubaradu sheegeen in xaaladdan caafimaad ee ka dhalata qalbijabku ay qofka ku noqoto cudur weligii haya oo uu ku qasbanaado in uu noloshiisa oo dhan la noolaado.

Waxaa in badan aad loogu murmaa ragga iyo dumarka midkooda u adkaysiga badan qalbijabka, in kasta oo aanay jirin jawaab rasmi ah oo ay cilmibaadhistani arrintaas u hayso, haddana waxaa jirta bidhaan muujinaysa dhibaatada baaxadda leh ee dumarka ka soo gaadha ‘Qalbi jabka’. Xarunta caafimaadka haweenka ee Harvard Women’s Health Watch ayaa daraasad ay samaysay ku caddaysay in boqolkiiba 90 dadka u diiwaangashan in uu ku dhacay wadne xanuunka aynu xusnay in uu qalbi jabka ka dhashaa, ay yihiin dumar da’doodu u dhexeyso 58 illaa 75 sano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here