Hilibka Digaaga Oo La Ogaaday In Uu Sida Hilibka Xoolaha Leeyahay Dufanka Khatarta Ah Ee Kalastaroolka

0
216

Washington (Geeska)- Waxaa in badan la aaminsanaa in hilibka loo yaqaanno hilibka cad oo ay ka mid yihiin kalluunka iyo digaaggu aanay wax dhibaato ah u keenin caafimaadka ama ugu yaraan dhibaatada ay caafimaadka gaadhsiiyaan ka yar tahay dhibta ka dhalata hilibka loo yaqaanno hilibka Cas oo ah hilibka lo’da.

Laakiin hadda waxaa soo baxaysa dood kale oo sheegaysa in hilibka digaagga oo ka mid ah hilibbada dunida loogu isticmaal badan yahay uu leeyahay khatar dhinaca dufanka kalastaroolka ah oo la mid ah hilibka xoolaha.

Cilmibaadhisaha caafimaadku waxa ay hore u xaqiijiyeen in cunista hilibka xooluhu ay ka mid tahay sababaha keena xaaladaha caafimaad darro ee wadnaha.

Cilmibaadhistan cusub oo uu Talefishanka CNN ee Maraykanku salaasadii 4-ta Juun ka soo xigtay Joornaalka American Journal of Clinical Nutrition ayaa lagu sheegay in barootiinnada laga helo cuntooyinka aan hilibka ahayn, sida khudradda, Caana iyo midhaha ay ka midka yihiin Biinis, ay leeyihiin faa’iidooyin caafimaadka u fiican oo dhinaca Kalastaroolka ah. Laakiin waxaa jirta nooc kale oo kalastarool oo loo yaqaanno kalastaroolka xun. Waxaa raacdaa dhiigga oo ay sida xabagta u qabsato derbiyada xididdada iyo halbawlayaasha, sidaasna ku keento in xididku uu xidhmo.

Kalastaroolka xumi waxa uu inta badan ka yimaaddaa cuntooyinka ay ka midka yihiin, badharka, baruurta, gaar ahaan baruurta hilibka lo’da iyo maqaarka sare ee hilibka digaagga, oo ay dadka qaar aad u jecel yihiin dhadhankiisa xilliga la shiilo oo fiican awgeed.

Si guud waxa ay khubarada caafimaadku ugu talinayaan in la yaraysto cunista hilibka cas, waxa aanay si gaar ah uga digayaan dadka leh wadne xanuunka, kalasataroolka ama xitaa aan iyagu lahayn laakiin hidde hore u leh in ay ka feejignaadaan cunista badan ee hilibka, oo aan ahayn hilibka xoolaha ee xitaa hilibka digaaggu uu ku jiro. Taas beddelkeedana ay isku dayaan in ay cunaan midhaha barootiinnada leh ee ay ka mid yihiin digirta, fuulka iyo biinisku.

Laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanu qofku hilibka cuni, waayo xeeldheereyaasha nafaqadu waxa ay sheegayaan in qofku uu u baahan yahay cunista hilibka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.