“Madaxweynaha Waxaa Looga Baahan Yahay Inuu Wax Ka Qabto Tabashooyinka Jira Ee Beelaha Darafyada”

0
646

Xildhibaan Nacnac

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu si rasmiya u kala diro Komishanka Doorashooyinka, waxna ka qabato wixii cabashooyin iyo tabashooyina ee jira, waxaanu XIsbiyada kula taliyey inay heshiis ka gaadhan khilaafka ka dhex taagan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Somaliya ayaa yidhi “Dawlad kasta oo Xamar ka dhalata, waxaa dhaqan u noqday inay Somaliland lidi ku noqdaan, oo ay yidhaahdaan anaga ayaa maamulna ama u talina, meel ay ka maamulan ama ay uga taliyana ma jirto, waana ayaan daro weyn in Dawladda Somaliya oo aan Xamar ka wada talin inay Somaliland sheegtaan, laakiin wey nagu xiiqayaan, tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dare, ee Somaliya waxaanu leenahay Somaliland ma gaadhana ee ha isku dhererina, oo jaarnimadu ha inaga dhexeeyso”.

Mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Waxaa jira cabashooyin iyo tabashooyin, loo baahan yahay in wax laga qabto, ee Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay inuu wax ka qabto cabashooyinka iyo tabashooyinka jira ee ay sheeganayaan Beelaha Darafyadu, maxaa yeelay Somaliland Beesha oo qudhi ma leh, ee waa la wada leeyahay, oo Beelaha darafyaduna Somaliland wey leeyihiin, in tabashadooda iyo cabashadoodana la dhegtaysto xaq bay u leeyihiin, maxaa yeelay in badan waxaa taagnayd dooda ku saabsan saami-qaybsiga, markaas in saamigooda ay xaqa u leeyihiin in la siiyo, ayaa muhiim ah”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafka Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyadu inay mar hore heshiis gaadhan bay ahayd, si ay Doorashadu u dhacdo, Xisbiga Waddani xaq buu ku taagan yahay, sababtoo ah wuxuu diidan yahay Komishankani inay Doorasho dambe qabtaan, taasna xaq buu u leeyahay, markaas maan garan sababta la iskugu dhegjinayo ilaa hadda Komishankan, ee si ay Doorashadu inoogu qabsoonto waa in Komishankan la kala diraa, waxaana kala diri kara waa Madaxweynaha, ee Madaxweyne Komishankan maan garan sababta aad u diidan tahay inaad kala dirto iyo sababta aad ilaa hadda iskugu dhejinayso ee waa inaad  u kala dirtaa sida ugu dhakhsaha badan si ay Doorashadu inoogu dhacdo, oo loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here