Xogo La Xidhiidha Halka Ay Asal Ahaan Ka Soo Jeeddo Calaamadda Lacagta Doolarka Ee Dalka Maraykanku

0
916

Washington (Geeska)- Calaamadda doolarku waa calaamadda ugu caansan ee lacagaha adduunka, sida oo kale lacagta Maraykanka ayaa ah tan iyaduna ugu deggen uguna qiimaha badan lacagaha adduunka, waxa aanay halbeeg u tahay guud ahaan wax isdhaafsiga ganacsi iyo dhaqaalaha adduunka.

Waxaa laga yaabaa in aanay dad badani is marka hore sida ay calaamaddani ku timi iyo halka ay taariikh ahaan ku isir leedahay. Maqaal dabayaaqadii bishii hore lagu faafiyey shabakadda wararka ee BBC da qaybteeda Afka Ingiriisiga ayaa lagu sheegay in uu madow badani ku jiro halka ay calaamaddani asal ahaan ka timi iyo ujeedada ama qisada laga soo dheegtay. Laakiin haddana ay jiraan aragtiyo kala duwan, mararka qaarkoodna is burinaya oo ka warramaya asalka calaamaddan. Waxaa jira qoraallada qaar sheegaya in calaamaddan laga soo qaatay lacag bir ahayd oo dhalashadii nebi Ciise (CS) ka hor laga isticmaali jiray deegaankii Bohemia loo yaqaannay oo ah dhulka hadda uu ku fadhiyo dalka Jamhuuriyadda Czech.

Waxaa jira qoraallo kale oo iyaguna calaamaddan ku xidhiidhiya calaamaddii loo yaqaannay labada tiir ee Hiraqal oo ah magac ay Roomaaniyiintii u bixiyeen laba taag oo ku yaallay afaafka marinka cidhiidhiga ah ee Buurta Jabal Daariq. Hiraqal sida ay Carabtu ugu dhawaaqdo ama Heraclius sida uu laatiiniga ku ahaa, waa Imbaraadoor kii boqortooyadii Byzantine ka talinayey intii u dhexeysay 610 kii illaa 641 kii.

Hiraqal oo ay isa soo gaadheen xilligii Nebi Muxammed (SCW) sida taariikhda Islaamka ku cadna uu nebiga xidhiidh dhex maray, waxa uu ahaa Imbaraadoorkii soo rogay in afka Giriiggu ku noqday afka rasmiga ah ee Imbaraadooriyadda. Jabal daariq oo uu ka talinayey awgeed ayaana marinkan loogu magac daray. Waxa aanay taariikhdani sheegaysaa in muuqaalka uu marinkaasi yeelanayo oo caan ahayd awgeed uun laga soo qaatay calaamadda doolarka. Waana marka calaamadda loo qoro qaabka ah S ay dhexda kaga qoran yihiin laba xariijimood, iyada oo aynu ognahay in marar kale calaamaddan loo qoro S hal xariijin oo keliyi dhexda kaga qoran tahay ($)

Waxaa jirta taariikh saddexaad oo iyaduna sheegaysa in calaamaddani ay ka timi ganacsato inta lacag aad u badan ay shaqaysteen markii dambe bilaabay in tirooyinka qaar ay calaamaddan ku soo gaabsadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here