Hide-Sideyaasha Dadka Deggen Dhulka Iceland Oo Laga Yaabo In Uu Dawo Ka Noqdo Alzheimer Ka Iyo Kansarka

0
605

Reykjavik (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in hidde-sideyaasha u gaarka ah dadka reer Iceland loo adeegsan karo hub lagula tacaalo cudurro badan, oo ay ka mid yihiin cudurka unugyada maskaxda dilka ee Alzheimer iyo cudurka Kansarka.

Cilmbiaadhistan ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba mid ka mid ah dadka Iceland in uu leeyahay hidde-side gaar ku ah dadka dalkaas uun, waana hidde-sidahaas kan dawada looga dhigi karo cudurrada aynu soo xusnay.

Natiijadan yaabka leh ee hadda la helay ayaa ku xidhiidhsan taariikhda jasiiraddan dunida ka go’an ee uu barafku ku daboolan yahay tan iyo sannadkii 1200 ee milaadiga, tan iyo waqtigaasna dunida waa ay ka go’nayd.

Sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee CNN, boqolkiiba 90 dadka deggen jasiiraddan oo dadkeeda lagu qiyaaso 322 kun oo qof ayaa ah dadkii asal ahaan dhulkan u dhashay, waana sababta fududaysay in si sahal ah loo helo hidde-sidayaasha dadkan, sidoo kale waxaa laga helay hidde-sideyaal xidhiidh la’ leh Kansarka noociisa naasaha ku dhaca iyo cudurrada wadnaha ku dhaca. Tallaabada tan xigta ee ay xeeldheerayaasha caafimaadku qaadi doonaanna waa in ay dib u tarmiyaan hidde-sidahan si looga hal-abuuro dawooyin cusub.

Iceland waa dawlad reer Yurub ah oo dhulkeedu yahay jasiirad ku taalla woqooyiga badda Atlantigga.