Murashax Madaxweyne Oo Daqiiq Lagu Daadiyey Xilli Uu Gacan Qaadayey Taageerayaashiisa Oo Jidka Hareer Tubnaa

0
574

Paris (Geeska)- Murashaxa madaxweynenimo ee dalka Faransiiska Francois Fillon ayaa wiil yar oo ku soo dhex dhuuntay taageerayaashiisu uu wejiga daqiiq kaga daadiyey khamiistii ina dhaaftay. Fillon oo 63 jir ah ayaa toddobaadadanba mucaaradad kala kulmay dad badan oo Faransiis ah, kadib markii laga cadhooday dacwad maxkamaddu ku soo oogtay oo lagu sheegay in xilligii uu raysalwasaaraa ahaa uu xaaskiisa shaqo been abuur ah ka siiyey baarlamanka dalka Faransiiska, iyada oo shaqadaas ku qaadatay lacago dhan boqollaal kun oo lacagta Midowga Yurub ah.

Raysalwasaarhaan hore ayaa xilli uu dhex marayey taageerayaashiisa oo jidka hareer tubnaa si uu u gaadho masrax loogu talogalay in uu soo istaago si uu u khudbadeeyo, uu nin dhalinyaro ah oo madax dhukuran, kuna labbisan garan uu ku qoran yahay hal-ku-dhegga ah, “Ardayda Fillon” uu wejiga iyo guud ahaan suudhkii uu xidhnaaba dusha kaga af-rogay kiishad daqiiq ah oo uu sitay.

Ilaahada murashaxa ayaa markiiba qabatay ninkan oo inta ay dhulka beerka u dhigeen ku dul-jeex-jeexay garankii uu xidhnaa. Filon ayaa markii uu masraxa koray ku calaacalay in uu bar-tilmaameed u noqday cadaadis naxariis darro ah, “Wax kasta oo ay samayn karaan waa ay samayn doonaan si ay ii niyad jebiyaan” ayaa uu yidhi. Waxa se uu intaas ku sii daray, “Laakiin saaxiibbadayoow, wixii aan ku diliniba waa uu ku sii xoogeeyaa uun” waxa aanu siyaasiyiinta bidixda ku eedeeyey in ay iyagu ku wadaan eedaha ka dhanka ah oo dhan.