Facebook Oo Samaysay Adeeg Cusub Oo Qofka U Suurto Gelinaya In Uu Ka Dhex Baahaysto Barkulankan Bulshada

0
628

Washington (Geeska) Shirkadda Facebook ayaa daaha ka rogtay adeeg cusub oo ka mid noqon doona barkulaneeda bulsho, kaas oo dadka barta Facebook isticsmaala u suurtogelin doona in uu ka baahaysan karo lacag, gaar ahaan marka uu ku jiro hawlaha qaar oo uga baahan dhaqaale.

Shirkadda Maraykan waxa ay markii ugu horreysay adeeggan ururinta tabarucaadka hirgelisay sannadkii 2006, laakiin waxa ay keliya u sii deyn jirtay ururrada aan faa’ido doonka ahayn ee bogagga ka samaysta, hadda kadib se’ waxaa ka faa’idaysan doona dhammaan dadka isticmaala Facebook ee jooga Maraykanka, iyada oo muddo kadibna loo sii deyn doono macaamiisha Facebook ee dunida oo dhan.

Shirkadda Facebook oo sida muuqata u badheedhay in ay la tartanto degellada internet ka ee caanka ku ah ururinta tabarucaadka shakhsiga ah sida, ‘Go fund me’ ayaa ay masuuliyiintoodu sheegayaan in qofka loo ogol yahay in uu isagu ka baahaysto boggan ama qof saaxiibadii ka mid ahi uga baaheeyo.

Facebook oo ah barkulanka dunida oo dhan ugu weyn, dadka isticmaala bishiina ay ka badan yihiin 1.86 Milyan oo qof ayaa sheegaysa in adeeggan loo ogolaan doono dadka da’doodu tahay 18 jir iyo ka weyn, waxa aana tijaabadiisa la sii deyn doonaa toddobaadada yar ee foodda innagu soo haya gudahooda.

Sida lagu sheegay warkan uu Geeska Afrika turjumay, adeeggan ayaa bilowga ogolaan doona in loo baaheeyo lix arrimood oo keliya, kuwaas oo ah, arrimaha la xidhiidha Waxbarashada, sida kutubta iyo agabka waxbarashada, arrimaha la xidhiidha caafimaadka, sida dadka qalniinada iyo daweynta lacagta badani ku baxayso u baahan ama dhaawacyada waaweyn qaba, arrimaha la xidhiidha caafimaadka xoolaha, arrimaha la xidhiidha gargaarka aafooyinka, sida aafooyinka dabiiciga ah ee abaaruhu ka mid yihiin, iyo qodobka shanaad oo ah in loo baaheeyo arrimaha gurmadka degdegga ah u baahan ee shakhsiga ah, sida qofka oo gurigu ka gubto ama laga xado, qofka shil baabuur ku dhaco, qofka oo geeriyi ku dhacda oo kadibna sidaa ku dhaqaale beela, sida in uu ka dhinto qofkii bixinayey kharashka noloshiida.

Waxaa muhiim ah in qofka ka baahaysanaya Facebook dhexdiisu uu ogaado in adeeggani uu dadka kale ee isticmaalaya facebook u ogolaanayo in ay eegaan faylashiisa shakhsiga ah (Profile kiisa) haddii uu qarsoon yahay, si qofka lacagta ku tabarucayaa uu isaga hubin karo waxa uu qofkani yahay.