Ergayga Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Xalinta Khilaafka Doorashooyinka Iyo Sababta Uu Golihiisu U Aqoonsan La’yahay Qaranimada Somaliland

0
570

Picture7Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay ayaa ku baaqay in arinta doorashooyinka Somaliland lagu xaliyo hab dimuqraadiyadeed iyo distoori ah oo uu dhinac waliba ka qayb galo.

Danjire Nicholas Kay oo shalay bartiisa twitterka lagu weydiiyay su’aalo kala duwan, ayaa su’aalaha la weydiiyay waxa ka mid ahayd bal inuu sharaxo qaabka ay Somaliland ku xalisay khilaafkii ka dhashay dib u dhaca doorashada oo uu warbixintiisii u dambaysay ee uu golaha ammaanka u gudbiyay kaga hadlay. “Arrinta weli lama xalin. Xisbiyada siyaasadu way heshiiyeen, laakiin weli guurtidii.” Ayuu ku jawaabay ergaygu, waxaanu intaas raaciyay  “Arinta doorashooyinka Somaliland waa in lagu xaliyaa hab dhinac walba ah oo distoori iyo hab dimuqraadiyadeed ah.”

Suaalaha kale ee Nicholas Kay la weydiiyay wax aka mid ah suaal ay weydiisay gabadh reer Somaliland ahi taas oo ahayd  mar haddii ay Somaliland buuxisay shuruudo badan, sababta Qaramada Midoobay ka hortaagan inay aqoonsato, waxaanu ku jawaabay, “Somaliland nabad  badan ayaa ka jirta. Wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa aqoonsada dalalka, laakiin maaha ergada Qaramada Midoobay.”

Ergayga waxa la sii weydiiyay su’aalo kale oo ay ka mid ahaayeen wada hadalada fashilmay ee Somaliland iyo Somaliya iyo weliba kaalinta ay Qaramada Midoobay ka gaysan karto caawinta qaxoontiga ka soo qaxay Yemen ee soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin su’aalahan iyo kuwo kaleba kamuu bixin wax jawaabo ah.