Hay’ad Islaami Ah Oo Dalbatay In La Hubiyo In Tallaalka Coronavirus Ee Ruushku Uu Xalaal Yahay

0
554

Golaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka ayaa ayaa xeeldheereyaasha Ruushka ee sameeyey tallaalada Coronavirus ee ‘Sputnik V’ iyo ‘EpiVacCorona’ waxa ay ka dalbadeen in ay sheegaan maaddooyinka ay ka kooban yihiin. Si ay u hubiyaan in shareecada islaamka ay waafaqsan yihiin oo ay xalaal noqonayaan iyo in kale.

Wakaaladda wararka Ruushka ee ‘RIA Novosti’ ayaa ka soo xigatay Eric Ziganshin oo ah guddoomiyaha guddida hubinta xalaasha ee Golaha Islaamiga ah ee Tatarstan in uu yidhi, “Waxa aan doonaynaa in aanu hubinno in tallaaladani ay waxtar u yeelanayaan qofka muslimiinta, isla markaana ay xalaal yihiin”

Eric Ziganshin waxa uu sheegay in ay Ruushka ku noolyihiin 25 milyan oo muslimiin ahi, jamhuuriyadda Tatarstanna ay tahay gobalka ay muslimiinta ugu badani deggen yihiin, sidaas awgeed si aanu dadka muuminiinta ah diintooda u dhowri waxa aanu dalbannay in dawadani la soo baxdo shahaadada caddaynta xalaalnimadeeda.

Eric Ziganshin waxa uu sheegay in muslimiinta dunida kalana ay isla mabda’an raaceen, dhowr ka mid ah shirkadaha tallaalada Coronavirus ka soo saarayna ay bishii hore gudaheeda shahaadooyinka caddaynta xalaalnimada ka qaateen dalalka Indooniisiya iyo Malaysiya. Laakiin waxa uu shaki geliyey in tallaaladan Ruushku ay shardigan ka soo bixi karaan. Waxa aanu hoosta ka xariiqay in haddii shirkadahani ay adeegsadeen maadadda ‘Gelatin’ oo hilibka doofaarka laga soo saaray, in uu tallaalku xaaraan noqonayo xitaa haddii raadka maadaddan aan laga arkay tallaalka. Waxa uu intaas ku daray haddii tallaaladan ay caddaato in ay xaaraam yihiin in uu golaha Muslimiinta ee Tatarstan yeelan doono kulan uu ka soo saaro fatwo uu ku diidayo ama ku ogolaanayo in muslimiintu ay isku mudaan.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey soo baxayey warar sheegaya in tallaalka Coronavirus lagu daray maadadda Gelatin oo laga soo miiray doofaarka, arrintaas oo shaki badan ku abuurtay muslimiinta iyo sida oo kale Yuhuudda dunida oo labadaba ay shareecadoodu ka xaaraantimaynayso maadaddan iyo wax kasta oo doofaarka laga soo saaro. Dawladaha Indooniisiya, Pakistan iyo Bangladhesh oo ay ku noolyihiin muslimiinta dunida ugu badan oo iyagu dalka China oo ay tallaalkan ka soo qaataan waxa ay ka dalbadeen in uu caddeeyo maaddooyinka uu ka kooban yahay si ay go’aan uga gaadhaan isticmaalka tallaalka. Sida caadiga ah tallaalada ugu badan ee dunidu soo saarto waxaa lagu daraa maadaddan Gelatin ee doofaarka laga soo saaro, taas oo caawisa in tallaalku aanu xumaan ama isbeddel ku iman inta uu kaydsan yahay ee aan weli la isticmaalin.

Shirkadaha Pfizer, Moderna iyo AstraZeneca ayaa iyagu hore u xaqiijiyey in tallaalkooda Coronavirus aanu ku jirin maaddooyin doofaar iyo wax kale oo shareecada Islaamka xaaraan ka ah.

Muslimiinta dunida oo tiradooda lagu qiyaaso 1.8 Bilyan iyo Yuhuudda oo lagu qiyaaso 16 Milyan ayaa sabab u ah in shirkadaha waaweyn ee cuntada iyo dawadu si aanay u lumin siiqa iibkooda waxa ay tixgelin siiyaan waxyaabaha diimahani mamnuuceen. Laakiin shirkadaha China ee ‘Sinovac’ iyo ‘SinoPharma’ iyo shirkaddan Ruushka ah ayaan iyagu weli caddayn arrintan.