“Madaxweynuhu Wuxuu Muujiyey Inuu Daacad Ka Yahay Qabsoomidda Doorashooyinka..”

0
867

Hargeysa (Geeska) – Suldaanka guud ee Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan wakhtiga loo qoondeeyey Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay soo xulaan soona doortaan dad tayo leh oo u qalma inay dalka iyo dadkaba wax u qabtaan.

Suldaanka guud ee Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Marka hore waxaa mahad oo dhami u sugnaatay ALLE, maadaama uu ALLE inaga dhigay dad muslim ah, waxaana ALLE ka baryaynaa inuu mar walba xaqa ina garansiiyo, ta kale ilaa hadda si fiican bay wax inoogu socdaan, oo waa inagaas oo Doorashooyinkii ka heshiinay, Madaxweynahana waan uga mahadnaqayaa maaddaama uu Madaxweynuhu muujiiyey inuu daacad ka yahay qabsoomidda Doorashooyinka, ta kale waxaan kale oo u mahadnaqayaa komishanku siday ilaa hadda xilkooda iyo waajibaadkooda shaqo u wadaan, waxaan kale oo u mahadnaqayaa Xisbiyada Qaranka oo iyaguna muujiyey siday ugu qanacsan yihiin Doorashooyinka, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Golaha Guurtida oo iyana tixgeliyey go’aanka lagu heshiiyey ee ahaa in Doorashooyinku qabsoomaan bisha shanaad ee Sannadkan, waxaana leeyahay ha inoo dhacaan Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay, oo Xisbiyadu si bilaa turxaana ha ku tartamaan, oo ha laga dheeraado tartamada ficilada xun iyo hadallada xuni ku dheehan yihiin”.

Suldaan Cabdilaahi mar uu baaq u diraayey Shacabka ayuu yidhi “Shacabka waxaan leeyahay qaab caadifaysan iyo qaab qabyaaladeysan waxba u dooranin, ee dad xul ah doorta,  waxaanad soo xushaan doortana dad dalka iyo dadkaba daacad u ah, oo wax qaban kara”

Geeska.net/Hargeisa Office