Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Ku Heshiiyey Wada-hadallo Xal Loogu Raadinayo Khilaaf Ka dhex Aloosan

0
806

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo booqasho ku yimid dalka.

War-saxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka Madaxweynaha iyo James Swan, ayaa lagu sheegay in lagaga wada-hadlay sidii loo sii wadi lahaa Wada-hadallo salka ku haya wada-shaqaynta Qaramada iyo Somaliland, taasi oo Xukuumadda Somaliland hakad gelisay, markii sida la sheegay Qaramada Midoobay hawlaha ay dalka ka hayso waafajisay Qorshaha Dawladda Soomaaliya ee shanta sanadood ee soo socda, taasi oo Somaliland ka biyo diidday.

War-saxaafadeedkaasi oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta (shalay) qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamijyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay kaga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

Ugu dambayn, waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.