Agaasimaha Cusub Ee Madaxtooyada Oo Shalay Xilkii La Wareegay

0
898

 

madaHargeysa(Geeska)-Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xasan Cabdi Madar ayaa shalay si rasmi ah xilkii wasaaradaas ugala wareegay Agaasimaha maamulka Madaxtooyada Md. Maxamuud Cabdilaahi Xarbi.

Munaasibada xil-wareejinta oo shalay ka dhacday hoolka shirarka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa ugu horayn waxa hadal soo dhawayn iyo faahfaahin hawlaha shaqo sida ay u socdaan agaasimaha cusub u soo jeediyay Md. Xarbi iyada oo ay goobtaasi ku sugnaayeen guud ahaanba shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala Madaxtooyada Somaliland. “Waxa saaka inoo sharaf ah in aan idin baro, idinku wareejiyo la shaqayntiisa agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar oo maanta laga bilaabo aynu noqonayno team wada shaqeeya oo wada jira.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Md. Xarbi oo ka hadlay munaasibada xil-wareejinta, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay qaybaha shaqaalaha waaxyaha ay u kala baxdo haykal ahaan qaab dhismeedka Wasaarada Madaxtooyada, sida ay u shaqeeyaan iyo weliba shaqaalaha kala duwan oo agaasimaha cusub uu koox-koox iyo shaqsi-shaqsiba u baray hawlaha ay qaabilsan yihiin.

Ugu dambayntii waxa madasha lagu soo dhaweeyay Agaasimaha Cusub Mudane Xasan Cabdi Madar. Ddhamaantiin waxaan idinka mahad-celinayaa sida qiimaha leh ee aad ii soo dhawayseen, runtiina hawlaha shaqo ee shaqaalaha maalmahanba waan arkayoo waan ku qanacsanahay inay yihiin dad hawl kar ah, gaar ahaan Xarbi aad ayaan ugu mahadcelinayaa.

 

Waxa muhiim ah shaqaalahan tiradoodu boqolka ku dhawdahay ka ugu yari 5 sano soo shaqaynayay waayo aragnimadiisa shaqo marka la eego, dee waan laga faaiidaystaa si aynu u keeno isbedel dhab ah, isbedelku inaguu inagu dhex jiraa oo ay tahay inaynu samayno, qof weliba wixii uu bedeli lahaa waa inuu naftiisa ka bilaabaa. Dhamaantiin waan idinka mahadnaqayaa sidaad ii qaabisheen, aniguna qof idinka mid ah oo idinku soo biiray baan ahay, hadii aydaan ila shaqayn waxba ma wadi karo, gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Agaasimaha Cusub.

 

Xasan Cabdi Madar, ayaa ka mid ah aqoonyahanka dalka ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan magacaabay, waxaanu muddo labaatan sannadood ku siman ka soo shaqaynayay hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga.