Dawladda Kenya Oo Heegan Gelisay Ciidamada Amaanka Ee Waqoyi Bari

0
678

 

kenyaHargeysa(Geeska)-Dawlada Kenya ayaa heegan galisay ciidamdeeda amaanka si ay uga taxadirto weeraro argagixiso oo kaga yimaada ururka al-shabaab. Heegankani waxa uu la xidhiidhaa qarax miino oo khamiistii lala beegsaday gaadhi ay leeyihiin ciidamda Kenya oo marayay magaalda Mandheera ee xuduudka Kenya iyo Somaliya.

Ugu yaraan qaraxaasi miino waxa ku dhaawacmay toban askari oo ka tirsan ciidamda Kenya  kuwaaasi oo kor meerayay xuduudka uu wadankaasi la wadaago Somaliya. Dawlada Keniya waxa ay sheegtay in aanay jirin cid ilaa hadda qaadatay masuuliyada weerarkaasi, waxase ay sheegeen inay aamin san yihiin inay ka danbaysay Al-shabaab oo hore ugu hanjabtay dawlada Keniya. Waxaanay sheegeen inay heegan galinayaan ciidamdooda si ay uga hortagaan weerarkasta oo dhici kara.

Kenyawaxa ay sheegtay inay xidhay toban ruux oo Somaliya oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxaasi, islamarkaana ay baadhisi ku socoto.