Berbera: Sarkaal Boolis Ah Iyo Askar Kale Oo Ku Dhaawacmay Qarax Bambano

0
773

 

Berbera(Geeska)-Taliye Xigeenka ciidanka Booliska rugta dekeda Berbera Raage Jaamac Maxamed iyo afar askari oo kale oo ka tirsan ciidanka Booliska ayaa ku dhaawacmay qarax bambo uu sitay nin doonayay inuu biraha iskaraabka ah ka gurto meel u dhow madaxtooyada Berbera.

 Sida uu  cadeeyey Taliyaha Ciidanka Booliska a qeybta Saaxil Cabdiraxmaan  Maxamuud oo khadka telefonka ugu waramayey wargeyska  Geeska Afrika, dhawaca taliye xigeenka dekedda ayaa ah mid culus,  "Waxa dhaawacmay shan askari uu ugu daranyahay taliye xigeenka dekeda waxaanay ku dhaawacmeen oo ay ka hortagayeen saddex nin oo god u dhow madaxtooyada Berbera ka qodayey iskaraabka (biraha gaboobay) waxanay nimankasi iyagoo isdifaacaya soo tureen bamka qarxay oo ciidankuna ku dhaawacmeen waxaana sidoo kale dhaawacu soo gaadhay Gaadhiga Saldhiga dhexe ee Booliska oo waxqaba" ayuu yidhi Taliye C/raxmaan dheere
Mar aanu Taliya qeybta Booliska waxka weydiinay in falkaas ciddi u xidhantahay iyo in kale waxa uu yidhi "Waxa u xidhan saddex nin oo mid ahaan dhawacanyahay oo isdifaacidii wax soo gaadheen baadhitaankooduna wuu socdaa" ayuu yidhi Taliye C/raxmaan dheere.

Ciidankan dhacdadan ku dhaawacmay ayaa lagu daweynaya cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera waxaana sida la sheegay uu dhaawaciisu culus yahay taliye xigeenka rugta Booliska ee dekedda Berbera.