Hay’adda DDG Oo Reer Galoolay Ku Warejisay Buuga Badbaadada Bulshada

0
2497

P5300260

 

Hargeysa(Geeska)-Xafladd si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Galooley oo ka tirsan gobolka Oodweyne ayay hay’adda DDG ku gudoonsiisay guddida badbaadada bulshadda ee reer Galooley buugga ka hadlaaya badbaadda bulshadda. buugan oo ay si wada jira u diyaariyeen mudo 15 cisho ah bulshadda reer Galooley iyo hay’adda DDG oo ujeeddadiisu tahay siddi kor loogu qaadi lahaa adeega bulshadda gaar ahaan dhinaca badbaadda bulshadda iyo sidii loo yarayn lahaa dhibaatadda walaxaha garxa, hubka fudud, Xalinta khilaafaadka kala duwan iyo sidii loo tayo galin lahaa ururadda bulshadda ee degaanka Galooley, buugaas waxaa si gaar ah loogu goray dhibaatooyinka bulshadda reer Galooley ka haysta dhinaca badbaaddada bulshad.

Samaynta qorshahani waxay ka dambaysay dadaal dheer oo ay bulshadda reer Galooley iyo hay’ ada DDG u galeen sidii ay u heli lahaayeen qorshe wax lagaga qabanaayo khatarta hubka fudud iyo walxaha qaraxa, kaasi oo aakhirkii ay ka sameeyeen buugga Qorshaha Badbaadada Bulshadda. si haddaba tani ay u suurta gasho DDG waxay bulshadda reer Galooley u tababartay 25 xubnood, kuwaas oo ay ku tababartay aqoonta badbaaddada bulshadda iyo sidii bulshadda looga wacyi galinlahaa dhibaatadda walxaha qarxa iyo hubka fudud, taasi oo ugu danbayntii ay bulshadda reer Galooley ku doorteen Sagaal (9) xubnood oo iyagu noqon doona guddida badbaadada bulshadda, loona igmadday inay masuul ka noqdaan hirgalinta qorshahan iyada oo ay farsamo ahaan ay ka caawin doonto hay’adda DDG.

Xafladaas waxaa si heer sare ah u soo agaasimeen bulshadda reer Galooley, waxaana ka soo qayb galay madaxda mashruuca badbaadada bulshadda ee hay’ada DDG xafiiskeeda Somaliland marwo Pi Tauber oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeedisay maddasha, waxaanay ugu horeyn bulshadda reer Galooley uga mahad celisay sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen, isla markaana ula shaqeeyeen shaqaalaha DDG iyada oo ku boorisay sii xoojinta wada shaqaynta ay la leeyihiin hay’adda DDG.

Pi Tauber waxay sidoo kale sheegtay in ay reer Galooley ahaan iyagu ay leeyihiin lahaanshaha iyo fulinta qorshaha badbaadada bulshada, iyada oo balanqaaday inay farsamo ahaan ay ka caawin doonaaan fulinta qorshaha badbaadada bulshadda. intaa kadib Pi Tauber waxay wareejisay buuga badbaadada bulshadda oo ka koobnaa laba noqul (Somali iyo ingiriisi).

Mudane Khadar Jaamac Cali oo ka mid guddida badbaadada bulshadda ayaa isna madasha ka balan qaaday fulinta iyo xil iska saarida qorshaha loo xil saaray guddi ahaan. Dhinaca kale waxaa madasha ka soo qayb galy madaxdda, odayaasha, haweenka, dhalinyaradda iyo dhamaan bulshadda reer Galooley, iyada oo ay xafladaas si gaar ah uga muuqdeen aqoonyahanka iyo odayaasha magaaladu.

Magacyada guddigaas loo xil saaray adkaynta badbaada bulshada ayaa kala ah:- Asad Cabdilahi Xirsi (Gud.) Xasan Maxamed Cilmi, Axmed Maxamud Ibrahim, Cabdi Maxamed Nuur, Maxamud X. Faraax Xirsi, Jaamac Cusman Yuusuf, Rooda Jamac Axmed, Amina Ismaciil Cabdilahi, Cibaado Xandule Awale iyo khadar Jaamac Cali.