Maareeyaha TOTAL Oo Ka Hadlay Xadhigii Lagula Kacay Iyo Sidii Ay Wax U Dhaceen

0
1211

 

 

TOALHargeysa(Geeska)-Maareeyaha shirkadda Caalamiga ah ee TOTAL oo uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan kala noqday heshiiskii ay kula jirtay Somaliland Sacad Cilmi Jibriil, ayaa ka waramay xadhigii lagula kacay iyo guud ahaan sidii ay u dhaceen waxyaabo badan.

 

Qoraal dheer oo uu xalay soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa isagoo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan:

22-kii bishan May 8.00 habeenimo ayaan warbaahinta ka maqlay  warka  sheegayay  in  madaxwaynaha Somaliland uu baabiiyay heshiiskii ka dhexeeyay xukuumada iyo shirkada TOTAl,iyada oo aan la ii keenin war qaddii Digreetada ahayd ee uu madaxwaynuhu  ku baabiiyay heshiiskaasi.

Waxaan anigu subaxnimadii tegay madaxtooyada dabadeed waxaan is aragnay Chief of cabinet-ka madaxtooyada  waxaan waydiiyay  sababta la noogu keeni waayay digreetada uu madaxwaynuhu ku baabiiyay  heshiiskaasi ama shirkada loogu soo diri waayay, dabadeed waxaa uu iigu jawaabay “arintaasi waa digreeto madaxwayne oo isaga ayaa awood u leh,waana in aad meeshii ku wareejiso Agaasimaha Guud ee Wasarada ganacsiga C/laahi Kubado”.

Dabadeedna waxaa uu ii dhiibay warqadii Digreetada madaxwaynaha, ka dib waxaa loo yeedhay Agaasimaha Guud ee wasaarada ganacsiga, markaas ayaan anaga oo is hor fadhina  ku idhi agaasimaha wasaarada ganacsiga maxaad iigu soo diri wayday warqada, waxaanu iigu jawaabay anigaba la iima soo dirin,ka dib Chief of cabinet-ka ayaa yidhi imika siiya,waxaanu agaasimuhu ku jawaabay imika waan haystaa.

 

Ka dib Chief of cabinet-ka ayaa iga codsaday in aan xilkii ku wareejiyo C/laahi kubado, waxaan waydiiyay Chief-ka miyay jirtaa cid kale oo meesha kula jirta C/laahi oo soo  raacaysaa? waxaan soo hadal qaaday Governer-ka iyo wakiilka dawladda ee haamaha shidaalka Mr. Shiine,  dabadeed wuxuu iigu jawaabay waa labadiina oo qudha dadkaasi waxba kagama jiraan , dabadeed waxaanu naga codsaday in aan maanta ahaan si deg deg ah hawshaa u soo dhamayno, waanan ka aqbalay waxaanu ku balanay in aanu baxno. C/laahi ayaa igu yidhi waan sii tegayaaye iska soo qadee oo naga daba kaalay.

 

Tegitaankaygii Berbera,iyo Guddo Galkii Xil wareejinta. Markaanu Berbera gelinkii danbe isugu nimid aniga iyo C/laahi  hawshii baanu guddo galnay tirintii ayaanu bilawnay stock-ka shidaalka ayaanu soo saarnay ilaa habeenimadii wax naga xumaaday oo aanu isla diidnay ma jirin haba yaraatee, aroortii waxaanu ku bilawnay saxeexii iyo dhibkii haamaha(Cabirkii) oo idil waxa kale oo aanu gaadhnay qaraar ah in Xisaabiyihii Guud ee Total  iyo khasnajiga  Total iyo laba qof oo shaqaalaha ganasiga ah oo uu C/laahi watay kuwaasi   in  ay khasnadii soo tiriyaan  oo aanay cid kale faro gelin meeshana ugu gelin,dabadeed aniga iyo C/laahi marka tirada  la noo keeno  aanu wada saxeexno mafaatiixdana aan ku wareejiyo.

 

Hase ahaatee waxaa naga soo dhex galay  badhasaabka Gobolka Saaxil oo aan arintaba ku jirin iyo ninka shiine la yidhaahdo (isu duwaha wasaarada ganasiga iyo shirkada Total)  dabadeed waxay isku deyeen in ay khasnada galaan iyaga oo weliba dad kale wehelinayaan dabadeed Agaasimaha  ayaa amray xisaabiyaha guud in aanay  cidna u  soo gelin.markaas ayuu xisaabiyuhu  joojiyay Badhsaabka iyo cidii la socotay isaga oo amarkii agaasimaha fulinay isla markaana xeerka qasnadaha u yaala waafajinaya. Waa halkaas barta uu badhasaabku  cadhada ka qaaday, Wax yar dabadeed tiraddii khasnadaha ayaa  dhamaatay taasi oo noqotay $57531.00 ,

saacadu markay ahayd 10:00 subaxnimo waxaa  la noo keenay aniga iyo C/laahi oo xafiiska joogna  afartii Statement ee  account Total  ee ku jiray baanka Somaliland ee Berbera oo lacagta ku jirtay ay dhamayd $102958.73.halkaas oo aanu ku  kala saxeexanay aniga iyo C/laahi.

 

Waxaa kale oo aanu kala  saxeexnay juwanada lagu dhaamiyo haamaha shidaalka (loading order) saddexdii   juwan ee ugu danbeeyay ee  Total isticmaashay oo kala ah  patrol-ka,Diesel-ka iyo Jet  A1, oo ay Total iibisay iyo saddexda number ee saddexda juwan ee ay ku shaqayndoonaan maamulka cusub.

 

Marka ay hawshu halkaasi marayso C/laahi ayaa muraad yeeshay oo dibada u baxay, isaga oo noo sheegay in uu Baanka tegayo si uu u soo furo account- cusub oo Dawladu leedahay, kuwii shirkada Total-na u soo xanibo, dabadeed xili qadadii ayaa la gaadhay C/laahina wuu soo noqon waayay, qiyaastii labadii iyo badhkii duhurnimo 2:30 ayuu C/laahi noogu yimid gurigayga dabadeed wuxuu noo sheegay in aanu hawshii si fiican u wadno isla markaana uu madaxtooyada ogaysiiyay  in ay hawshii si fiican u socoto, dabadeena aanu isku soo noqono si aanu u guddo galno tiro koobkii alaabta ama qalabka iyo tirada  shidaalka ee meesha taala si aanu u dhamaystirno.

 

Markii aanu shaqadii ku noqonay gelinkii danbe  ayaa waxaa noo yimid shaqaalihii oo la soo kiciyay oo lagu yidhi xaqiinii ninkaas ayaa haysta waanu idiin diidanyahay ee ka doonta. Markaas ayay ergo ka socotay shaqaalaha iyo laba nin oo ay soo wargeliyeen oo dhex ahaa oo si fiican u hadlayay  ( xildhibaan yuusuf Cali Nuur iyo xiis c/laahi warsame oo odayaasha ka mid) ay noogu yimaadeen xafiiska aniga iyo C/laahi waanay nala xaajoodeen  waxaanu ku nidhi aniga iyo C/laahi shaqaaluhu way leeyihiin xaqooddii iyo mushaharkoodiiba.

 

Dabadeed Koox ka mid ah shaqaalaha oo si qaldan wax loogu sheegay  ayaa hub soo qaatay  waxaanay  ku dhaqaaqeen  fal xun kuwaasi oo qoryo la soo galay xerada Total,iyaga oo markii ay Baabuurka kala soo degayeen qoryaha ay arkeen ciidamada Ilaalada xeradu ka dibna  ay ka qaadeen hubkii ay siteen, balse  la iska sii daayay iyada oo aan wax danbi ah lagu Eedaynin.

 

Aniguna waxaan iska sii watay hawshaydii oo ahayd  mushaharkii shaqaalaha iyo xuquuqdoodii oo halkaasi aan shaqaalaha ugu saxeexay, ka dib waxaanu sugaynay tiradii qalabka yaalay   iyo tiradii shidaal haamaha ku jiray  oo hawsheeda ay ku jireen shaqaalaha shirkada Total iyo shaqaalaha wasaarada Ganacsiga. Aabaaro Salaadii maqrib ka dib Badhasaabkii Gobolka Saaxil oo ordaya ayaa noo yimid shaqaalaha shirkada ayuu la hadlay,ka dib isaga oo kulul ayuu ii soo galay wuxuu ka hadlay in aan xuquuqdii shaqaalaha anigu imika siiyo,waxaan ugu jawaabay in khasnadahayagii ay Dawladu haysato oo ay askari ilaalinayso,Account-tiyadayadiina dawladu xanibtay,hantidii shirkadana ay dawladu la wareegtay (shidaalkii u yaalay shirkada Total) aniguna aan shaqaalaha ka mid ahay.

Haddaba si xeegana xeego u noqot, ilkana u nabad galaan waxaanu Cabdillaahi ooah Agaasimaha wasaaradda ganacsiga ka codsadanay

 

1:-in wixii ku jira khasnada iyo wixii Baanka yaalay shaqaalaha xuquuqdoodii laga siiyo oo loo hormariyo, ama in shidaal kayagan dawladu la wareegtay inta la iibiyo laga bixiyo xaquuqdii shaqaalaha ama aanu shirkaddii aanu ku nidhaahno xuquuqdii shaqaaluhu intaas ayay noqotay ee soo dira.markaas ayaa badhasaabku u yeedhay agaasimaha ganacsiga  isla markaa xawaalada dahabshill ayaa telephone u soo dirtay xisaabiyaha total una sheegtay in lacag dhan $17366 dollar ay u taalo waxanu u yidhi noogu keena haamaha si uu ugu daro xisaabtii la wareejinayay aniga iyo agaasimaha ganacsiga ayuu noo yimi waxa aanu nagu wargaliyay in lacagtaa  dahabshil noo soo waddo si loogu daro xisaabta la wareejinayo.xisaabiyuhu waxa uu ka codsaday agaasimaha ganacsiga iyo aniga in lacag taas aanu galino xisaabtii khasnada uu la wareego agaasimuhu iyo warqada xilwareejinta oo uu saxeexo lacag dhan $81629 dollar  agaasimuhu isagii oo si u dag dagaya ayuu yidhi baritoole ayaan idinkala wareegiye  bari toole ha inoo ahaato imikana waan tagayaa halkaa waxaad moodaa in agaasimuhu  wax ogaa.

 

Iyada oo ay halkaaasi noo taagantahay oo aanu sheekaddii ku guddo jirno oo aanu hadalkii wadno, ayaa badhasaabkii Askar si hoos ah  ugu yeedhay, aniguna markaa waan yaabay Telefoonada ku soo dhacayay iyo kuwa uu dirayay qayrul caadi ayay ahaayeen,mana uu qarsanaynin oo waxaa uu lahaa madaxtooyadii ayaa la igala  soo xidhiidhayaa.daba,deed waxaa uu igu yidhi mee dirawalkaagii,markaas ayaan ku idhi maxaad ka doonasyaa,wuxuu igu yidhi aniga ayaa doonaya ee iigu yeedha,waxaa xafiiska nagula jira labaddii ergay ee xildhibaan Yuusuf iyo Xiis c/laahi wiil yar oo uu dhalay badhasaabku iyo Taliyaha Booliska ee Dekada iyo C/naasir C/laahi Cali oo Hargaysa iga soo raacay oo aan adeer u ahay islamarkaana aan ka tirsanayn shaqaalaha TOTAL iyo xisaabiyaha guud ee shirkada Total C/kariin Xuseen  iyo masuul ka tirsan shirkada shidaalka ee H.B.M.

 

Markaas ayaan inankii aan adeerka u ahaa u diray darawalkayga Cabdi Daahir askar oo aan ku idhi u yeedh, markii uu noo soo galay badhasaabku wuu dareeriyay dadkii kale oo dhan,wuxuuna xafiiskii kula soo hadhay aniga,xisaabiyaha iyo cabdi daahir askar  iyo wiilkiisii yaraa ee uu watay iyo taliyihii Bilayska,wuxuu waydiiyay cabdi daahir askar in Baabuur albaabka haamaha yimid oo ay saddex nin wateen in uu yidhi soo daaya gaadhigaa,Cabdi daahir askar wuxuu ugu jawaabay milateriga ilaalada haamaha ee albaabka jooga ayaa ila soo hadlay oo igu yidhi nin ina Maal la yidhaahdo oo gaadhi wata ayaa ku doonaya ee la hadal markaas ayaan la hadlay oo aan ku idhi anaa idiin imanaya ,markaas ayuu ina maal ugu jawaabay Berbera ayaanu dan u nimid oo  markaas ayuu cabdi ugu jawaabay waayahay ee waan idiin iman.badhasaabkii ayaa  yidhi gaadhigaasi waanu qabanay saddex nin ayaa watay oo gacanta ayaanu ku haynaa laba baastooladoodna way sitaan ee ma waxaad leedahay Telefoonkaaga kulama aad hadlin.

 

Cabdi daahir  ayaa ugu jawaabay telefoonkaygu waa kane haddii aanad I rumaysanaynin ka eeg koodana waad haysaaye,ma danbibaa cid Berbera timid oo ku doonaysa haddii aad la hadasho.

 

Ka dib aniga ayaa ku idhi badhasaabka kiis ayaad doonaysaa in aad samayso’e kuwii qoryaha noola soo galay ee xafiiska in yar u jirsaday ee aad qabateen waa kuwa halkaa iska jooga’e danbiileyaashaas maxaad u xidhi weydeen  haddii aad cadaalad wado?.

 

Markaas ayuu yidhi taliyihii ciidamada Haamaha iigu yeedha markii uu u yimid taliyahaasina,badhasaabku wuxuu waydiiyay miyaydaan xidhin raggii qoryaha xerada haamaha la soo galay? Wuxuu ugu jawaabay qoryihii ayaanu ka qaadnay ee iyagii waanu iska sii daynay. Markaas ayuu ku yidhi qabta oo imika xidha. Muddo ka dib ayuu taliyihii Booliska ee Dekaddu ku soo noqday oo yidhi waanu soo waynay ragii qoriyaha laga qaaday,kuwii gaadhiga watayna saldhiga dhexe ayay ku xidhan yihiin. Markaas ayaan anigu hawshii aan waday dib u guddo galay 11-kii habeenimo markii ay ahayd ayaan dhameeyay hawshii xuquuqda shaqaalaha ahayd oo aanu doonaynay in aanu fax- dibada u dirno taas oo ay dibada u dirayeen inankii shaqaalaha shirkada H.B.m iyo  xisaabiyahayagii. Meel ay ka diraan markii ay waayeen iyada oo ay Fax-yadu wada xidhnaayeen,ayaa badhasaabkii oo aad moodayso in uu na sugayay intaanu dhamaynaynay hawshaasi ayaa amar bixiyay oo   taliyihii bilayska ee dekada ku yidhi cabdi daahir xidha,xisaabiyaha iyo c/naasir cabdilaahi cali-na xidha,anigana wuxuu igu yidhi waxaad caawa seexanaysaa oo aad macsuun ku tahay guriga madaxwaynaha oo sariirta madaxwaynaha ayaad ku seexanaysaa cashana la idiinku diyaariyay.

 

Waxaan ugu jawaabay ma macsuun ayaanu nahay mise waanu xidhanahay? Wuxuu hadana nagu yidhi moobilada keena,dabadeedna markii xafiiska dibada la nooga soo saaray waxaanu dibada ku aragnay ciidan bilays ah oo shan gaadhi ah oo hubaysan wata. Markii aan ku idhi waa maxay sidani, ma budh-cad baddeed ayaanu nahay wuxuu iigu jawaabay amar madaxtooyo ayaan haystaa oo nabad geliyadiina ayaan sugayaa. Dabadeed gurigii madaxtooyada ee Berbera ayaa lana geeyay,  casho ayaa la noo keenay, nin iyo  qolna waa lana geeyay halkaas ayaana lanagu xidhay oo lanagu ilaalinayay. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi ayaa la soo hadlay badhasaabka iyada oo uu ila joogay inankii aan adeerka u ahaa ee C/naasir c/laahi,markaas ayuu Suldaanka u dhaartay oo uu ku yidhi amar madaxtooyo ayaan haystaa mana xidhna ee nabad geliyadooda ayaan ilaalinaynaa. Markaas ayuu telefoonka ii dhiibay,waxaan ku idhi suldaanka,hadalkaa uu ku yidhi waxba kama jiraan ee waanu xidhanahay oo Saldhig Boolisna lanama gaynin.

Ka dib telefoonka ayuu iga boobay,waxaanu suldaanka ugu dhaartay oo uu ku xila furay anaga oo maqlayna Suldaankuna  markhaati ka yahay amar madaxtooyo weeyaan. Markaas ayuu Suldaanku ku yidhi haddaa  maxaad telefoonada uga qaaday,wuxuu ugu jawaabay waar hebeloow telefoonada soo sii iyada oo aanay cid kale nala joogin anaga mooyaane,iyada oo uu hadalkaa beenta ah maqashiinayay suldaanka. Markaas ayuu Suldaanku ku yidhi telefoonka iska dhig kiisa ayaan kala soo hadliye,markaas ayaa noogu danbaysay cid na ogba, ilayn telefoonadii waa la naga qaadaye.

 

Sidaas ayaanu ku seexanay aroortii lixdii iyo badhkii ayay qasrigii yimaadeen agaasimaha guud ee ganacsiga iyo shine iyo Taliyaha Bilaysku askartii meesha nagu ilaalinaysay ayay wadiiyeen qolka uu hurdo xisaabiyuhu way ku garaaceen waxay ku yidhaahdeen kaalay na raac mafaatiixda aad noo wareejiside qasnadiina aad noo soo saxeexdide. Xisaabiyihii guud wuxuu ugu jawaabay anigu hawsha ayaan diyaarinayay ee saxeexa waxaa leh maareeyaha mafaatiixda isaga ayaa idinku wareejinaya xilkana C/laahiyow adiga iyo isaga ayaa kala saxeexanaya oo xil wareejinta masuuliyadeedu idin saran tahay ee waakan qolkiisuye inoogu yeedha. C/laahi wxuu ugu jawaabay maya ee ina mari  adigu,xisaabiyihii guudna wuxuu ku yidhi anigu ma lihi xil wareejinta ee u yeedh maareeyaha,markaas ayaan ku soo baxay markii indhahayagu is qabteen  deg-deg ayay u dhaqaaqeen mana ay soo jeesan,umanay muuqan rag gar ku jooga ee waxay ahaayeen rag qaro jeexayay.

 

Ka dib waxaa naloo sheegay in muftaaxa khasnada ee sida deg-dega ah loo doonayay ay isku haysteen cali Bul-bul oo ah maamulaha kastanka berbera ah iyo Agaasimaha wasaarada ganacsiga C/laahi Kubbado,oo khilaafkooduna ahaa anagaa  qabanayna iyo anagaa qabanayna qasnada iyo  lacagta maalintaa la qabanayo,taas oo kuu cadaynaysa  in aan wax xil wareejin ah loo socon. Inyar  Dabadeed askar hubaysan ayaa guriga noogu timid     oo wata afar gaadhi  oo Bilays ah oo hubaysan dabadeedna waxa lana geeyay saldhig Boolis oo ku yaala xaafada Jaama laaye,ka dib afartayadii qof ayaa danbi baadhaha Saldhigu kolba mid u yeedhay waxaanu na waydiiyay waxa nalagu soo xidhay,anaguna waxaanu ugu jawaabnay garanmayno wax nalagu soo xidhay. 

 

Ka dib waxaa la noo qaaday maxkamada Gobolka waxaana lana geeyay xafiiska xeer ilaaliyaha,markaas ayuu xeer ilaaliyuhu su’aal waydiiyay  danbi baadhaha iyo taliyaha,waxaanay u dhiibeen war qaddii ay nagu dacwaynayeen oo ay ku lifaaqan tahay Digreetaddii madaxwayaha oo uu madaxwaynuhu ku sawiran oo laga soo saaray website iyo warqadii lanagu eedaynayay oo ay ku saxeexanyihiin agaasmiha guud ee wasaarada ganacsiga ,gudoomiyha gudiga qandaraasyada qaranka iyo badhasaabka gobolka saaxil, gudigaa xadhigaya saxeexay agaasimaha ganacsiga mooyee cidkale oo xilwareejin na dhex martay ma jiran sidaan horeba u sheegay. waxa la yaaba agaasimaha ganacsigu iyadii oo si wanaagsan noogu socoto xil wareejintu waxa shirqoolka galiyay  waxa uu suaalay ma haysaan warqadii xilwaeerjinta ee lagu amrayay ee madaxtooyada ?maya  wax kale oo eedayn ah oo aad haysaan ma jiraa waxan meesha ku lifaaqan kuma eedaynkaro sharcina maaha kadib danbi baadhihii ayaa yidhi anagaa soo dhamaysan doona ee maxkamada noogu gudbi, Taliyihii booliska qaybta ee gobolka saaxil ayaa waxa uu  ku yidhi xeer ilaaliyaha arinkan waxa wata badhasaabka oo  yidhi xagga sare ayaa la iga soo amray  (madaxtooyada).

 

sidaas ayaana maxkamda la noogu gudbiyay gudoomiyihii maxkamadu markuu uu arkay warqadii ee daynta ahayd ayaa waxa uu  yidhi ha istaagan eedaynayashii TOTAl, dabadeed inankaan adeerka u ahaa ayuu  waydiiyay maxaad lagugu soo xidhay?   waxa uu ugu  jawaabay anuu adeerkay ayaan soo raacay, kamana shaqeeyo TOTAl, Badhasaabkaana I soo xidhay.

 

Guddoomiyaha maxkamada ayaa waydiiyay danbi baadhihii iyo Taliyihii ninkani kamaba shaqeeyo TOTAL ee ma danbi kale ayaad ku haysaan? Waxay ugu jawaabeen maya ee badhasaabka ayaa na yidhi ku dara.

 

 dabadeed waxa sidii ayaan maxkamad sidaas ayay nagu kaxeeyeen ciidamadii na waday iyada oo lanoo ilaaniyo sidii aanu nahay argagixiso sidaas ayaa jeelkii  lanagu geeyay ,intaa ka bacdi waxa dhacay inankaan adeerka u ahaa aya jeeelka ku dhex xanuunsaday waxa loo qaaday dhinaca cisbitaalka Seddexdayadii kalena waa  xereeyey,A/naasir-na  ,waxaanu ii sheegay in markii la geeyay dhakhtarka katiinad loogu xidhay sariirtii tii uu jiifay,loolana dhaqmay si bini’aadanimada ka baxsan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Mr ramaax intii aanu xidhnayn cidkasta oo la soo xidhiidha ama uu la xidhiidho waxaa uu u sheegayay  in aanaan xidhnay balse guriga madaxtooyada ee Berbera amnigayaga lagu ilaalinaayo,taasina waa been cad oo waxaa markhaati ka ah Salaadiin,odayaal iyo dadkale oo shacbi ah oo fara badan oo jeelka nagu soo booqday,oo ay ka mid yihiin  ,suldaan maxamuud Axmed Sheekh,Chief Caaqil Cabdi Maxamed cigaal,Caaqil Cabdi Maxamed Ibraahim Khaliif iyo dadkale oo tiro badan.

 

Habeenkii arbacadii waxay noo sheegeen askarta  jeelku in  u Guddomiyaha Gobolka Saaxil u ku soo noq-noqday ka codsanayay in ay iga soo saaraan qolalka guddaha ee jeelka,la iina soo saaro daarada jeelka isaga oo ku sababaynayay in aan macaan qabo oo aanan ku dhiman kulaylka awgii,.

 

Maalintii khamiistii markuu ogaaday Guddoomiye ramaax in dad badan oo masuuliyiin  ah iyo madax dhaqameedyo isugu jira ay ka soo baxayaan Hargaysa,wuxuu damcay in uu mu’aamaraad sameeyo isaga oo doonaya in uu dadkaasi tuso in waxa uu sheegayaa ay runtahay oo aanan jeelka ku jrin,balse   guriga madaxtooyada la igu ilaalinayo,sidaas darted dhawr jeer aayuu jeelka ku soo noq-noqonayay isaga oo masuuliyiintii jeelka ka codsanayay in isaga la igu aamino oo la I raaciyo laba askarta jeelka ahna la raaciyo,si uu u tuso sawirka khaladka ah ee uu doonayo,u jeedadiisuna tahay in Salaadiintaasi ii timaado aniga oo jooga guriga madaxtooyada labada askarina uu ka dhigo isaga ilaaladiisii,sawirka uu doonayayna uu yahay “bal arka waa kaasiye ma xidhnee”.

Wax la yaab leh ayay ila noqotay aniga khaayinimada intaas leegi,nasiib wanaag aniguna waan diiday,masuuliyiintii Jeelkuna waxay yidhaahdeen war qad maxkamadeed ayaa lagu soo xidhay oo  war qad maxkamadeed ayaa jeelka ka saari karta,Guddomiyuhu kama nasan arintaasi ee mar labaad ayuu hadana isku deyay tii oo kale isaga oo Taliyihii Jeelka gurigiisa ka soo kexeeyay,isaga weli daba socda fikradiisii hore.Aniga ayaa ku adkaystay in sharcigii la igu soo xidhay ku la mid ah la igaga  saaro aniga iyo intii ila xidhnaydba.

 

Ka dib wixii uu waday markii ay khashifantay waxaa khasab ku noqotay in uu soo kexeeyo Salaadiintii iyo Odayaashii Haragysa ka yimid  oo uu jeelka iigu keeno,dabadeedna halkaa uu Taliyihii Jeelku ka cadeeyay in aan laba habeen ku  xidhanaa jeelka,sifada keliya ee aan ku bixi karaan isaga iyo cidii kale ee la xidhanba tahay sii dayn maxkamadeed.

 Markaa halkaasi weji gabax ayuu kala kulmay Badhasaabku dabadeed wax uu ku hadlo markii uu garan waayay,waxaa uu ku andacooday ninkani aniga iima xidhna ee wuxuu u xidhan yahay amar madaxtooyada ka yimid,wuxuu ku yidhi salaadiintii  imikana in yar I suga war qaddii sii daynta ayaan doonayaaye,markii cabaar la sugay ee uu soo noqon waayay makhribkii ka dib ayay iska  tegeen Salaadiintii iyo Odayaashii iyaga ka yaaban hadaladiisan is burinaya.

 

Intaasi ka dib waxaa jeelka iigu yimid Taliyaha qaybta Booliska oo watay laba Baabuur oo ciidan ah,taliyahaasi wuxuu u keenay Taliyihii xabsiga warqad maxkamadeed oo sii dayn ah oo aan keliday ku qoranahay,gacanta kalena wuxuu ku sitaa war qad xadhig ah,taasi oo ah in guriga madaxtooyada la igu xidho oo la igu ilaaliyo,markaa Taliyihii Jeelku wuxuu igu yidhi waatan warqadii sharciga ahayde kuguma hayn karno  jeelka ee raac,markaas ayaan ka qaaday warqadii Taliyaha Jeelka oo aan akhriyay,waxaan ku idhi kuma wada qorin ee waa kalidaye maxaa dhacay? Markaas ayuu Taliyihii Bilaysku igu yidhi halkan ayaa lagaa kaxaynayaa oo waxaa lagu gaynayaa gurigii madaxtooyada halkaas oo lagugu ilaalinayo waatan warqadeediina.

 

“Waxaan la yaabnay  maxkamad sharci kugu  sii daynaysa oo Bilayskiina dib kuugu  xidhanayo  guriga  madaxtooyada”.  markaa anigu lababa  waan   diiday in   keliday  sifo sharci ah la igu sii daayo,sabab kale oo aanan garanayna meel kale la igu xidhayo.mid kalena waan diiday oo waxaan ku idhi ama waanu wada bixi ama waanu ku wada jiri,shaqaalahyagana nin jeel  kaga tegaya ma ihi,jeelna jeel ku bedelan mayno. Taliyihii iyo Ciidankiisiba way iska noqdeen,dabadeed Salaadiintii,odayaashii  wuxuu u sheegay in aan diiday in aan ka baxo Jeelka iyo cidii kale ee la soo hadashayba Fiiro gaar ah  Kadib markii lana soo daayay shir jaraa id oo uu qabtay badhasaabku wuxuu saxaafada u sheegay 

 

1:waxa uu sheegay in uu noo xidhay arin amni daro

2: shaqaalihii oo qaar qoriyo soo qaateen

3: askartii ilaalinaysay isaga oo mudo badan dulmi ka tirsanaysay

5: isaga oo ka caga jiiday xilwareejintii

6: xadhiga waxa amray gudigii loo soo igmaday iyo aniga oo ah gudoomiyihii gudiga nabadgalyada gobolka

Waxa la yaableh ma waxa mudan in la xidho cida qoriyaha soo qaadatay ee la soo gashay xerada haamaha ee manta suuqa iska joogta ee aniga ii socotay mise cidii loo soo qaatay iyada oo shaqaynaysa oo xil wareejinaysa

Arinta shaqaalaha qoriyaha soo qaatay ee uu sheegayo isaga ayaa ka danbeeyay kicintooda iyo abaabulkooda  sidaan horeba u sheegay.

 

Arinka askarta dulmiga tirsanaysa ee uu sheegay askari aniga ii khaas ah oo ilaaliya ma jiro kaydka haamaha ee hantida qaranka ah waana ciidan la isu bad badalo, shirkada waxay ka qaatan guno masuuliyiintooda ayaana u qaada meel aanu iska soo gaadhnaana ma jirto. Arinta xilwareejinta ee uu sheegayo aan ka war wareegay ma jirto agaasimuhu wuu ku qanacsanaa sidaan horeba u soo sheegay qaabka ay wax noogu socdeen inkastuu ii sheegayay in uu hawlo u baxayo. waxa halkaa ka cad in uu meel uu ka soo galayaa xilwareejinta badhasaabku aanay jirin laakiin uu ku kacay cadaawad shaqsiya oo isagu dano ka leeyahay.

 

Guddi la noo soo igmaday oo qoraal xilwareejin ah sidatay ma jirin marka laga reebo agaasimaha guud wasaarada ganacsiga oo chief of cabinet igu soo daray  kaligii balse ay tahay in uu xadhiga maleegay oo madaxtooyada warar sal iyo raad toona lahayn u sheegayay. balse waxa uu sheegay in uu la saxeexay xadhiga isagoo sheegayanaya gudoomiyaha gudiga nabadgalyada gobolka saaxil yahay taas oo madaxwaynaha Somaliland hore u baabiiayay mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo