Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta Oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Dhaliilay Ka Qayb Galka Shirkii Kenya

0
1040

 

 

san yareHargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah Md. Cali Ibrahim Maxamed (Cali-Sanyare) oo ka mid ahaa wasiiradii ugu mudakarsanaa xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku canaantay ka qayb galka shirkii dhawaan ka dhacay dalka Kenya uu soo abaabulay golaha ammaanka ee Qararamada Midoobay.

Md. Cali, oo isagoo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xukuumadda iyo golaheeda wasiirada ugu baaqay inay umadda ka daayaan hadalo uu ku sheegay been oo ah inay xukuumadu guul ka soo hoysay shirkii ka dhacay Kenya. Cali Ibrahim oo khabiir ku ah xidhiidhka Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah oo uu muddo dheer sarkaal sare ka ahaa, wuxuu beeniyay hadal uu baahiyay Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo uu ku sheegay inay xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin ka qayb geli jirtay shirarka noocan ah balse ay qarin jirtay, waxaanu warkaas Wasiir Gabose ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn. Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay Cali Ibrahim Maxamed, wuxuu u dhacay sidan:

 Marka hore waxaad nooga warantaa sida aad u aragto shirarka ay xukumada Somaliland kaga qayb gashay caalamka iyo dalka Kenya?

Waxaad moodaa xukumada hadda jirtaa inay badashay iyada oo runtii dadweynaha Somaliland waxba weydiin lana tashan siyaasadeedii cadayd ee lama tab-taanka ahayd ee ku saabsanayd  gooni isku taaga iyo ictiraaf raadinta. Siyaasadaas oo sida la ogyahay lagu go’aansaday shirkii Burco ee Somaliland cagaha loogu taagay sanadkii 1991-kii, waxa kale oo go’aankaas sii xoojiyey aftidii dadweynaha Somaliland ay ku cadeeyeen in gooni isu taaga Somaliland yahay muqadas, waxa kale oo go’aankaas gun looga dhigay qodobo dhawr ah oo ku cad dastuurka Somaliland ee aynu hada ku dhaqano, waxaana xoojiyey 20kii sano ee ay Somaliland jirtay oo ka soo baxay saddexda gole ee kala ah golaha mudanayaasha (Wakiilada), guurtida iyo golaha wasiirada, kuwaas oo ka soo baxay xukumadihii kala danbeeyey ee Tuur, Cigaal iyo xukumadii Rayaale.

Sababahaas kor ku xusan awgeed ayuu gooni isku taaga Somaliland sal u ahaa siyaasada arrimaha dibada. Sidaas daraadeed waxay la timi xukumada hadda jirtaa inay ka weecato siyaasadii dadweynaha iyo saddexda gole ee dawladu ku midaysaayeen iyada oo haba yaraatee kala tashan shacabka reer Somaliland, waxay taasi ku riday dadweynaha ee jooga gudaha iyo dibadaba fajiciso, wareer ee masiirkoodi qaran. Waxay taasi keentay iyaga oo horeba walaac weyn ka qabay kartida iyo siyaaasada xukumada hada jirta, kana muujiyey shaki ah in aanay hanan karayn ama awoodi karayn in lagu aamino masiirkoda qaran, waxa kale oo u cadaatay dadweynaha dibada iyo dalka jooga inay xukumada kulmiye ku balan furtay shacabka Somaliland balamihii ay u balan qaaday dadweynihii doortay.

Haddaba su’aasha koowaad ee meesha ku jirtaa ee xukumadu inay iftiimiso looga baahanyahay waxay tahay maxaa ku kalifay xukumada hadda joogtaa inay dadweynaheedii ku balan furto, kuna talaabsato siyaasad gaf ku ah wax kasta oo qaranka Somaliland u taagnaa? Ictiraaf raadintiina daaqada ka saaraysa. Sababtoo ah in qarankii Somaliland xukumada maanta joogta ay mar kaliya u badashay gobol ka mida Soomaaliya, markii ay la fadhiistay gobolo dhawaan magacyadooda la soo saaray, shirarkan kaga wada qayb qaateen magaca Soomaaliya. Su’aasha labaad ee iyana cadaynta u baahani waxay weeye waa maxay danta cusub ee Somaliland ugu jirta shirarka Soomaaliya loo qabanayo iyo ka qayb galkoodu? Su’aasha saddexaad ee iyana u baahan in laga jawaaba waxay tahay maxaa hadda ku qasabay xukumada inay badasho siyaasadii arrimaha dibada ee lagu midaysnaa? Yaase ka danbeeya oo dawlada Somaliland dabada ka riixaya? Maxaase la is dhaafsaday oo dan ah.

Waxaan kula talin lahaa xukumada Somaliland iyo wasiiradeeda inay ka waan toobaan beenta ay ku dhawaaqayaan ee ay ku andacoonaayaan ee ah inay guul ka soo hooyeen shirarkaas Soomaaliya loo qabtay ee ay ka qayb galeen amase ay ku jaah wareerinayaan dadweynaha in xukumadihii ka horeeyeyba ay ka qayb qaadan jireen shirar noocaas ah taasi waa sheeko caruureed iyo majaajilo cusub. Xukumadihii ka horeeyey ee Cigaal, Tuur iyo Rayaale waxay siyaasadooda arrimaha dibadu ku salaysnayd danaha iyo dareenka dadweynaha Somaliland, wixii labadaas arrimood ka baxsan ee aan dan u ahayn dalka way ka xishoon jireen waanay ka foojignaan jireen. Markaa waxaan u arkaa siyaasada xukumadan mid ka fog danaha dadka iyo dalka, niyad jab iyo wareerna ku riday dadweynaha loona baahan yahay in daaqada laga tuuro. Su’aasha meesha taala waxa weeye xukumadu ma u hogaansamaysaa dhawaaqa cad iyo dareenka shacabka Somaliland dal iyo dibadba ay ka muujiyeen dareenka ay ku diidan yihiin siyaasada cusub ee xukumadan?

Xukumadan hadda talada haysa waxay idinku dhaliishaa idinka laftiina in aad hore uga qayb gasheen shirar loo qaybtay dawlada uu hoggaamiyo shariifku ee Soomaaliya, arritaas miyaan la odhan karin waa mid jirta? Maxaadse ka leedahay?

Xukumadii ugu danbaysay ee aan anigu ku jiray siyaasadeeda arrimaha dibadu laba qaybood ayey u kala bixi jirtay, midi waxay ahayd siyaasada dublumaasiyadeed ee arrimaha dibada midina waxay ahayd siyaasada wax wada qabsiga dhaqaale iyo deeqaha, waxaanay ku jihaysnayd dublumaasiyad siyaasadda dawlahadaha beesha caalamka iyo hay’daha dawliga ah sida ururka midawga Afrika, IGAD, qaramada midobay, khaliijka carabta, ururka Islaamka, midawga Yurub laamahooda ka shaqeeya siyaasada. Ictiraaf raadintu waxay soo hoos galaysay dublumaasiyada siyaasadeed. Markaa arrintaas waxaan sheegayaa inay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Marka laga hadlaayo xukumadiinii hore qaab nooceeya ayaad ula macaamili jirteen hay’adaha qaramada midoobay ee aad xidhiidhka lahaydeen?

Xidhiidhka anaga (Xukumadii hore) iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ururadeeda wuxuu ku salaysnaa saddex qodob. Ka ugu horeeyaa wuxuu ahaa ixtiraam, wada shaqayn, wada tashi oo dhawrayaa danaha dalka iyo dadka sida ku cad qodobada dastuurka. Ta labaad waxay ahayd ku dhaqanka siyaasad aan mugdi lahayn oo ay ku jirto la xisaabtan iyo xisaab celin sugan oo labada dhinac ah. Qodobka saddexaad wuxuu ahaa in lagu dhameeyo khilaafaadka soo baxa wada tashi, waxaa la dhaqan galiyey xiligaas iyada oo laga duulaayo qodobadaas cad cad in dawlada ama hay’adaha caalamiga ahi in aanay u doodi Somaliland, sababahaas awgood ayaa loo cadeeyey looguna micneeyey dawladaha aynu xidhiidhka la leenahay  iyo ururada qaramida midoobay danaha Somaliland inay ku jirto gooni isku taaga iyo ictiraaf raadintu iyo in aanay Somaliland ka qayb galayn shirar lagu qabtay magaca Soomaaliya, maadama oo ay Somaliland la soo noqotay xoriyadeedii 91-kii markii ay Soomaaliya burburtay. Waxaa kale oo loo sheegay  deeqbixiyaasha iyo ururada qaramida midoobay oo la isku af gartay in deeqda Somaliland gooni u hesho oo aan waxba loo soo marin meelo kale, sanadka horaantiisna la ogaado waxay heshay, in astaanka Somaliland ka muuqato dhamaan shirarka qaramada midoobay ay la qaadanayso Somaliland, war bixinada shirarkaas loo keeno Somaliland iyaga oo aanay ku jirin war bixino gobole kale oo aan na khusayn. In shirarka lagu qabto Somaliland hadii laga maarmi waayana in lagu qabto wadamada jaarka ah, hase yeeshee in aanay dhicin in lagu marti qaado Somaliland shir aan iyaga u gaar ahayn, haddii ay taasi dhacdana aanay Somaliland ka qayb galin. Markaa siyaasadahaas cad ayaa ka yaalay, haba yaraatee shirar noocaas ah oo aanu dhex fadhiisano Soomaaliya oo aan ka qayb galno oo aanu qaadano arrinta Soomaaliya sida hadda dhacda haba yaraatee ma jirin mana dhicin marar badana waanu ku diidnay. Mar kasta oo dibada lagu qabto lamaanu gali jirin ama iyaga ayaa naga horayn jiray ama anaga ayaa ka horayn jirnay, taasi waxay ahayd mid aanu in badan deeq bixiyaasha iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u sheegnay oo ay fahmeen ayey ahayd. Manayn odhanayn sida hadda marna Muqdisho kaalay oo dhex fadhiistay dad aynaan isku dan ahayn, oo aanay dhici jirin in sidaas oo kale Somaliland hoos loogu dhigo maqaamkeeda iyo xurmada ay leedahay Somaliland.