Haweenka Somaliland Oo Dhaliilay Golaha Wakiilada

0
529

may18Somaliland2012_63Hargeysa(Geeska)-Haween weynaha Somaliland ayaa si kulul u dhaliilay mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, oo dhawaan dib u celiyay xeerka kootada haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay kuraasida goleyaasha loogu qoondaynayo.

Haween weynaha oo ka kala socday ururada siyaasadda, ururada haweenka iyo qaybaha kale oo shalay shir ku qabsaday magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay golaha wakiilada ugu baaqeen inay si dhakhso ah u meel mariyaan xeerkaas. Guddoomiyaha NAGAad Kaltuun Sheekh Xasan oo halkaas ka hadashay ayaa haween weynaha u sheegtay in ujeedada kulankoodu tahay inay soo saaraan baaq ku waajahan golaha wakiilada oo la xidhiidha ansixinta xeerkan oo mudanayaasha wakiilada dood ka dhex abuuray.

La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha haweenka Amaal Miisaan oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa golaha wakiilada ugu baaqday inay xeerkaas deg deg isu dhaafiyaan.