54 Tahriibayaal Ah Oo Ku Madhay Badda U Dhaxaysa Dalka Liibiya Iyo Talyaaniga

0
534

tahrTunis(Geeska/AFP)- Afar iyo konton damacsanaa gaadhitaanka xeebaha Talyaaniga ayaa la sheegay inay haraad u dhinteen, ka dib markii doon ay saarnaayeen ku jabtay badda, siduu u cadeeyey hay’ada qaxootiga aduunka, Cabaas Sidow oo ka badbaaday arbacadii.

Sida ay qortay wakaalada AFP, Sidow oo badbaado ka raadsaday cabitaanka biyaha badda ayey arkeen kaluumaysato la socodsiiyey ilaalada xeebaha isagoo dhinac haysta burburkii doontaa oo ku soo caariday xeebaha Tuniisiya isniintii, sida UNHCR cadeysay.

Ninkan oo lagu daweynayo dhakhtar Tuunisiya ku yaal ayaa sheegay in biyahii macaana ka dhamaadeen doontii, dadkii oo saddex ay isku qoys ahayn ku jireena maalmo gudahood bilaabmeen inay geeryoodaan.

Waxuu sheegay in shan iyo kontonkii qof doonta ka soo raaceen caasimada Liibiya, dabayaaqadii June, halkaa oo kala badh Eriteriyan ahaayeen, isagu ka mid ahaa.

Mussie Zeria, oo Eriterian ah ayaa cadeeyey arbacadii in telefoonkii doontu xumaaday, awoodina waayeen dadkii saarnaa inay gargaar dalbadaan, "Waxuu sheegay inay muddo 15 maalmood badda ku jireen," ayuu u sheegay AFP. Isagoo raaciyey, "Dhabtii way gaadheen biyaha Talyaaniga, laakiin way awoodi waayeen gargaar dalbasho, isgaadhsiin la’aan, ka dib dabaylahii ayaa u soo kaxeeyey badweynta.” 

UNHCR ayaa xaqiijisay in doontu dilaacday, ka dibna dabayshii soo gashay, sida ninka badbaaday u sheegay. Sidow oo ka dib la hadlay AFP ayaa cadeeyey inuu gargaarka Ilaahay ku badbaaday.

Isagoo ka hadlayey saaxiibadii oo Soomaali ku jirtay ayuu sheegay, "Inay u dhinteen gaajo, haraad, iyo fuuq-bax, waxaan meydadkoodii ku tuurnay badda."

Afhayeen UNHCR u hadashay, Sybella Wilkes aya sheegtay inay tahay xaalad argagax leh, kana codsatay dhamaan gaadiiidka maraya baddaha inay taxadar u yeeshaan doomaha tahriibka iyo qaxootiga sida waxii gargaar ahna u fidiyaan,”

Hay’adaha gargaarka qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay 170 qof dadka ku dhintay safarka Liibiya iyo Yurub sannadkan.

Sannadkan, in ka badan 1300 qof ayaa Liibiya iyo Talyaaniga u soo kala gudbay, sida  UNHCR cadeysay. Xilliga ugu socdaalka badan ayaa la sheegay inay tahay bilaha May ilaa September, xilliga badda Mediterranian ugu degan tahay.