Xildihbaan Kijaandhe Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Ka Feejignaadaan Covid_19

0
608

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa tilmaamay in ka hor tagi loo baahna inay Shacabku ku waajahan xanuunka Koronaha in aanay ku wajaahan, ee looga baahan yahay inay aad isku ilaaliyaan, wixii wacyigelin ahna ay qaatan.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Wacyigelinta si joogto ah ayaa loo wada, Shacabkana waxaa aad loogu dhiirigelinaya inay wacyigelinta qaatan, oo ay is badbaadiyaan, kana feegjinadaan khatarta cudurkan Covid 19 ama Koronaha, maxaa yeelay iyadoo Wadanka Mareykanka oo hadda ah Wadanka ugu dhaqaalaha badan Adduunka, ayaa uu ka dilay dadka ugu badan, halka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Spain iyo waliba Wadamo kale oo badana ay ku soo xigaan, sidaas oo ay tahay isha inoo macalin ah ee weynu arkayna in maalinba maalinta ka dambaysa uu cudurkani dhexdeena ku si faafayo, ee aynu is ilaalino, oo ayeynaa is dhayalsanin, ee aynu mar kasta ku baraaruugsanaano halista cudurkan, oo wacyigelinta sida ay tahay aynu u qadano”